Muqdisho (HWN) Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo u tartamaysa jagada gudoomiyaha midawga Afrika ayaa ganafka ku dhufatay Dalab uu madaxweyneha Somaliya kaga codsaday in tartankeeda Jagada Guddoomiyaha Midawga Afrika ay uga hadho dawladda Djabouti.
"Waxaa madaxda weydiiyay waxa lagu beddeshay
magaca Soomaaliyeed si aan ugu qanco, arrintaasi la igama jawaabin. Waqti dheer
iyo dood badan kadib odayadii go’aankooda ayey ku adkeysteen ana marka waxaa ka
codsaday in aan 10 maalmood oo soo fikiro la isiiyo, anigoo islahaa waxba iska
beddeli doona.”
Foosiya oo ka hadlaysa
faa’iida Somaliya ugu jirta kursigan ayaa tidhi "Midowga Afrika wuxuu ku dhow
yahay Jimciyada quruumaha ka dhaxeysa, waxaana dalka usoo hoyanaya maamuus,
lagamana yaabo in aan ka tanaasulo musharaxnimada kursigaas.”
"Lama arag tartame ama
dal lagu qasbo inuu tartanka uga hadho qeyrkiis, markaa intaas oo dhan eegay
waxay ila noqotay in aan ka tanaasulin kursigaas, maadaama horey la igu amray
in aan u tanaasulo dowlad kale 2016-kii,” ayey tidhi Fowsiya Yuusuf Xaaji
Aadan.
Xildhibaannada ayaa
sidoo kale sheegtay in hanka kursigan uu ku dhashay sanado hore, balse uu horey
uga hor istaagay madaxweyne Xasan Sheekh kal xukunkiisi hore, uuna hadda
markale dhabarka ka jabiyay, sida ay sheegtay.