Sidee Ayuu U Shaqeeyaa Tagsiga Duula Darawal La,aanta Ee u Adeegaya Xujaajta Ku Sugan Sucuudiga

Sunday June 16, 2024 - 06:45:08
Sidee Ayuu U Shaqeeyaa Tagsiga Duula Darawal La,aanta Ee u Adeegaya Xujaajta Ku Sugan Sucuudiga
Taksi


Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa bilowday adeegsiga Taksi duula oo darawal la’aan ah, kaas oo u adeegaya dadka gudanaya acmaasha xajka Sanadkan.

Taksiga duula oo howsha farsameyntiisu socotay muddo dhowr sano ah ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa ee dunida laga adeegsado.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in qorshan qeyb ka yahay dedaalka ay ku doonayaan inay horimariyaan howsha iyo socdaalka dadka xujeyda ah ee u kala goosha magaalooyinka barakeysan ee Makkah iyo Madiina, iyada oo sidoo kale loo adeegsan doono howlaha gargaarka deg deg ah iyo agabka.

Goobaha uu ka shaqeyn doono iyo adeegyada uu qaban doono taksiga duula

Taksiga duula ee iswada oo noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah waa nooc ka mid ah gaadiidka casriga ah ee ku shaqeeya koronta laga sameeyo cadceeda iyada oo aan loo baahan shidaal. Waxaa markii ugu horreeyay laga howlgeliyay Sacuudiga isaga oo sanadkan u adeegya dadka xujeyda ah.

Taksiga duula ayaa ka howlgalaya xilliga xajka inta u dhexeysa Carafa, Mina iyo Musdalifah oo ka mid ah goobaha barakaysan ee dadka xujeyda ah ay booqanayaan.

Adeega ugu badan uu hadda ka qabanayo waa howlaha la xiriira gargaarka deg deg ah ee caafimaadka iyo sahayda sida cuntada iyo agabka kale ee lagama maarmaanka u ah dadka xujeyda ah oo uu u fududeynayo. Laakiin waxa uu qorshahu yahay inay sidoo kale taksiyada noocaan ah ka howlgalaan garoonka caalamiga ah ee Diyaaradaha ee Boqor Cabdulcasiis ee jeddah ku yaal iyo xitaa hotelada Makkah, oo ah halka uu ku yaal xaramka.

Dad ka badan hal milyan iyo bar oo qof oo Muslimiin ah ayaa sanadkan gudanaya waajibaadka xajka, iyada oo ay dadkaas ka mid yihiin kumanaan Soomaali ah oo Afrika iyo caalamka kale ba kasoo xajiyay.

Qorshaha waxa uu yahay in Sacuudigu howlgalayo ku dhawaad boqol nooca taksiga duula ee iswada ah, sida ay shaaciyay wasiirka gaadiidka ee Sacuudiga Injineer Saalax Al Jasser.

"Dhaqdhaqaaqyada iyo mashaariicda Istaraatijiyadda Qaranka ee Gaadiidka iyo Adeegyada Saadka waxay ka shaqeeyaan inay shaqaaleysiiyaan tignoolajiyada casriga ah iyo kuwa horumarsan, ha ahaato tignoolajiyada tagaasida hawada, baabuurta korantada, ama tareenada hydrogen," ayuu yiri.

Hal-abuurka gaadiidka ayaa sidoo kale la jaan qaadaya hamiga Sacuudiga ee Hiigsiga 2030 ee ujeeddadiisu tahay casriyeynta dalkaas.

"Maanta waxay calaamad u tahay hawlgelinta mid ka mid ah hindisayaasha ugu muhiimsan ee khariidadda tubta awood-siinta dhaqdhaqaaqa sare ee hawada. Isticmaalka hababkeeda, oo ay ku jiraan tagaasida hawada, waxay yaraynaysaa wakhtiga safarka rakaabka ee meelaha ciriiriga ah, gaar ahaan xaaladaha degdegga ah, waxay fududeysaa rarida alaabta iyo sahayda caafimaadka, waxayna dedejisaa hawlaha ilaalinta iyo kormeerka iyada oo loo marayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn," ayuu yiri Cabdulcasiis Aldawalji, Madaxweynaha Maamulka Guud ee Duulista Rayidka (GACA).


Tagaasida duusha ee cusub ayaa ka mid ah 32 teknooloji oo casri ah oo la hirgeliyay si loo caawiyo xujeyda inta lagu guda jiro Xajka sanadkan, taasoo calaamad u ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xal cusub oo gaadiid oo hufan ee Boqortooyada.

Dalku waxa kale oo uu bilaabay mashiino robot ah oo hadlaya kuwaas oo gaaf-wareegaya goobaha barakeysan kuwaas oo ka caawin kara dalxiisayaasha luuqado badan. Toddobaadkan, waddanku wuxuu ku dhawaaqay hirgelinta tagaasida duulista. Tagaasida duula waxay qaadi karaan afar ilaa lix rakaab ah waxayna soo gaabinaysaa wakhtiga duullimaadyada, maadaama ay masaafo dhan ugu badnaan gaarayaan 250 km.

Taksiga duula waxaa sameysay dhowr shirkad oo laga kala leeyahay Shiinaha iyo Jarmalka.

Shirkad laga leeyahay Shiinaha waxaa la yiraahdaa Ehang Holdings, iyada oo ku takhasustay farsameyda gaadiidka casriga ah ee hawada, ee shaqeeya darawal la’aanta.

Kahor inta aysan ka howlgelin Sacuudiga, taksiga duula ee shirkadan shiinaha ayaa si tijaabo ah rakaab uga soo qaaday Abu Dubia oo ah caasimadda Imaaraatka Carabta.

Ma ahan shirkada Shiinaha oo keliya, laakiin adeegayda taksiyada duula ee Sacuudiga laga hirgeliyay waxaa sidoo kale soo saaray shirkad kale oo Jarmal ah, oo la yiraahdo Volocopter, taas oo heshiis gaadiid soo-saarid kula jirta hay’dadda dowladda sacuudiga ee dhanka gaadiidka iyo duulista, iyo shirkado kale oo Sacuudi ah oo gaar loo leeyahay.

Taksida duusha ee ay soo saartay Volocopter ee sanadkan ka howlagaya xajka ee la yiraahdo eVTOL way ka jaban yihiin Helikabtarrada dhanka qiimaha iyo qarashka ku baxaya, iyada oo ka howl badnaan kara. Waxay sidoo kale la jaanqaadaan aragtida deegaanka ee Sacuudi Carabiya iyagoo isticmaalaya tamar la cusboonaysiin karo oo u baahan kaabayaal yar oo dhulka ah.

Horumarka eVTOL si xawli ah ayuu u socday maadaama uu dhamaystiray duullimaadyadii tijaabada tagsiga hawada ee ugu horreeyay. Tagsiga duula oo la sameeyay 18 bilood iyada oo ay iska kaashadeen Volocopter, Hay'adda Guud ee Duulista Rayidka (GACA), iyo NEOM waxay samaysay tijaabada duulimaadka oo socotay muddo toddobaad ah.

Marka laga reebo eVTOL ee Volocopter, Eve Air Mobility iyo Flynas ayaa sidoo kale dhawaan saxiixday heshiis lagu horumarinayo tagsiga hawada. Labadan shirkadood waxay sahmin doonaan suurtogalnimada inay hawlaha eVTOL ka bilaabaan Riyadh iyo Jeddah si loo horumariyo shabakad gaadiid oo la heli karo oo waarta.

Iskaashigu wuxuu sii taageeri doonaa himilooyinka lagu haminayo ee qaybta duulista iyo sidoo kale yoolalka waara ee Hiigsiga 2030ka, kaas oo wax weyn u tari kara dadka xujeyda ah ee sanad walba booqda Sacuudiga



     
Loading...