Arrimahan balwad bay noqdaan, haddii aad ka ladan tahay Alle u mahadceli, haddii aad isku aragtayna ama bilow kuu yihiinna iska gaar.

Tuesday June 11, 2024 - 08:36:58
hadhwanaagtv
Haddii kista Alle kuu dhiibay, se xakame iyo dhaqaale..


1. Bun cabista.
Dadka aan bilaabin qolo mugdiga jecel baa u buunbuuniyay, dhibkiina dadka cabba halaga wareysto, madax xanuun aan madaxu ku wada xanuunayn, soo jeed hurdo qaab daran leh iyo firfircooni caajis ku lammaan yahay baa laga dhaxlaa.

2. Beenta.
Marka laga yimaado inay tahay dhaqan Alle reebay, qofka beenlowga ah si kasta oo uu been qurxoon oo run u dhowr u sheegayo aaminaada ay dadku ku qabaan ayaa burburta, qofka kaa aamin dhacana si kasta oo aad run u sheegto beenlow ayaad waligaa agtiisa ka ahaanaysaa.

3. Balanfuryada.
Faahfaahin uma baahna, cid jecel ma jirto qofka lu’goonta badan ee balanka had iyo jeer ka baxa, se waxaan kaga gaabsanayaa marmarsiinyaha aan u sameyno mar walba, "Meeshu waa Soomaaliya.”

4. Cuntada.
"Alle macaanaa" sidaad ugu hayso ayaad ka dhex arkaysaa, adiga oo hilboon, daalan, xiiqsan, dhar kuu galaya aan arlada ool, shiid ah waliba doob ah, markaas "Alla macaanaa" ha kaa saarto. Kuwa qaliirka ah ee wax Cunanan hantida uun ayaa kaga baaba’da ee cuntadaasi meel ay martaan la aqoon.

5. Nasniinta.
Inta aad howl hayso ayaad qof tahay, maalinka aad is dhigato oo aad nasniin doorbiddo, ayaad nolosha ka dhacaysaa. "Markaan waxayga isku dubarito ayaan nasanayaa.” Waa khuraafaad, qofka waxa uu u abuuran yahay waa shaqo, nasniin dhowr maalin ah ilaa asbuuc la garay, se haddii asbuucaa kula dhaafto, waad u macaasanaysaa heer aad dhibsato inaad gurigiina albaabkiisa istaagto.

6. Lacag bixinta.
Haddii kista Alle kuu dhiibay, se xakame iyo dhaqaale aadan lahayn, oo markaad guriga ka baxdo, ee aad rabto inaad soo iibsato tusaale daawo caday, aad soo noqoto adiga oo afar bacood wata, waa laguu yaabaa. Dhaqankan ayaana ku bilowda "Arma u baahan tahay sheygaas” iyo "Sheygan waa i anfacayaa” oo hadal beena ah, uma baahnid kumana anfacayo ee waxaa ciil hoose kaa hayaa kista aad wadato ee ku soo eegaysa.

7. Is xaqiridda.
Maalinka lagaa dareemo maskiinimmo. Maalinka aad bilowdo inaad fasho naxariis ku dhibaysa. Maalinka aad riyooyinkaaga ka seexato. Maalinka aad bilowdo inaad asaagaa iska hoos mariso. Maalinka aad bilowdo inaad is liido si qof kale ugu qoslo ama raali ku noqdo. Maalinkaas ayaad is xaqirtay, inta aad banaanka ka tahay wax walba oo shakhsiyadaada wax u dhimayana waad ladan tahay.

Xilligay kuu tahay oo wacan ????

Yoonis Baarri
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...