Ha Qoslin Haddii ad Aqriso!

Tuesday May 28, 2024 - 14:39:48
hadhwanaagtv
Ninkii wuxuu ugu jawaabay: War haddii aad ku soo wareegto...


Hadda ka hor ayaa waxaa la sameeyay Magaalo cusub, si qurux badan ayaa loo dhisay, waxaase la isku khilaafay magacii loo bixin lahaa, laakiin markii dambe waxaa lagu heshiiyay inuu arrinteeda ka fariisto golaha magaalada, nin kastana uu warqad ku qoro magac, kaddibna la isku qaso warqadaha oo middii ay gacantu soo qabato wixii ka soo baxa laga dhigo magaca magaalada.

Odayaasha deegaanka waxaa ku jiray oday Ciyaal Xaafo ah oo xanaaqsanaa, wuxuu warqaddiisii ku qoray erayga "calooshayda”. Markii waraaqaha la qasay oo lagu nasiibsaday tiisii ayaa la soo qabtay, sidaas baana magaaladii loogu bixiyay "Magaalada Calooshayda!”.

Sanado badan kaddib ayaa magaalada waxaa soo booqday nin ganacsade weyn ah, suuqa ayuu yimid, wuxuu galay bacadle si uu shaar uga iibsado, ninkii bacadlaha joogay ayuu ku yiri "way badan tahay lacagta shaarka ee wax iga dhin”.

Ninkii wuxuu ugu jawaabay: War haddii aad ku soo wareegto Calooshayda oo dhan, ma heleysid meeshaan meel ka raqiisan. Ninkii ganacsadaha ahaa si xanaaq leh ayuu uga soo baxay bacadlihii, isagoo is leh ‘ninku wuu kugu jeesjeesay’

Taksiilihii uu la socday ayuu waydiiyay, meesha uu ku yaallo bacadlaha ugu raqiisan magaalada, markaas buu taksiilihii yiri isagoo u tilmaamaya: Halkaas ayuu ku yaallaa, geeska ugu dambeeya ee Calooshayda.
Ninkii ganacsadaha ahaa wuu xanaaqay, wuxuu tegay saldhigga booliska si uu uga dacwoodo arrintii uu ka carooday ee ninka bacadlaha iyo taksiilaha, markaas buu yiri "aniga nin ganacsade weyn ah baan ahay, halkee baan joogaa marka sidaas la ii galayo?”. Markaas buu askarigii yiri: Waxaad joogtaa xarunta booliska ee center-ka Calooshayda.

Ganacsadihii aad ayuu u xanaaqay, kaddibna wuxuu go’aansaday inuu u dacwoodo duqa magaalada, markii uu soo galay xafiiskiisii ayuu yiri: aniga waxaan ahay ganacsade weyn, marti ayaan idin ahay … markii uu intaas marsiinaayo ayuu duqii magaalada la soo booday: Ahlan Wasahlan ganacsade, ku soo dhowow Calooshayda!!
Ganacsadihii dhiiggii ayaa kacay, wuu sii xanaaqay, wuxuu go’aansaday inuu dacwadiisa ula tago boqoradda magaalada. Saacado kaddib waa loo oggolaaday inuu boqoradda la kulmo. Ganacsadihii wuxuu yiri: Macquul miyaa sidaan, ninka bacadlaha jooga, askariga iyo duqa magaaladaba inay igu jeesjeesaan, macquul miyaa sidaan Sharafey, boqorradda magaaladey in sidaas la ii galo anigoo marti idiin ah.

Boqoraddii baa ugu jawaabtay maa caleesh … maa caleesh! Aan ku waydiiyo adiga markii kuugu horreysay ee aad Calooshayda soo gasho waaye miyaa!! Ganacsadihii naxdin, yaab amakaag, fajac, dhakafaar jooga ayaa Ku Dhacay. ????

Mention Dheh Qof Magaalo Ku Qariibey Sidan Oo Kale.

La-Wadaag Asxaabtaada.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...