"AHN Waxaa Uu Ifka Kaga Tegay Laba Xaas Iyo Lix Caruur Ah"
AHN Suldaan Bare Xaaji Xuseen Caraale 1946kii Ayuu Ku Dhashay Degaanka Daba-Gorayaale Ee Gobolka Daad-Madheedh Waxaana Dhalay Aabo Xaaji Xuseen Caraale Guuleed Oo Ahaa Mid Ka Mida Odaaysha Ugu Caansanaa Geyiga Soomaaliyeed.
Waxaa Uu Ku Taabo Galay Deegaanka Hargeisa,Isagoo Aad Yar Ayaanu Noqday Hormuudka Bulshada Ka Dhex Muuqda,Waxaana Uu Inta Badan Ee Noloshiisa Ku Bixiyay U Shaqaynta Bulshada Mar Kasta Heerka Uu Ka Gaadhayey.
Sanadkii 1997kii,Ayaa Loo Caleemo Saaray Suldaanada Ka Mida Ah Madaxda Dhaqanka Ee Somaliland,Caleemo Saarka Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Baligubadle,Ilaa Maalintaas Waxaa Uu Door Shariif Ah La Qaatay Dhismaha Qaranka,Nabada Geeska Afrika Iyo Isku Xidhka Bulshoyinka Soomaaliyeed.
AHN Suldaan Bare Xaaji Xuseen Caraale Guuleed Sadexda Sano Ee Ina Dhaafay Waxaa Uu Ahaa Bukaan Socod Ku Qanacsan Qadarka Uu Alle Keenay.
AHN Waxaa Uu Ifka Kaga Tegay Laba Xaas Iyo Lix Caruur Kala Ah Hal Wiil Iyo Shan Gabdhood.
Sida La Filaayo Wiilka uu Dhalay Ee Axmed Suldaan Bare Xaaji Xuseen Caraale Ayaa Loo Caleemo Saari Doonaa Buuxinta Jagada Suldaanka Ee Uu Maanta Baneeyay AHN Suldaan Bare Xaaji Xuseen.