Muxuu Yahay Warka Ay Shaacisay Guddida Fulinta ee Xisbiga WADDANI ?

Wednesday May 22, 2024 - 15:49:20
Hadhwanaag
"Sida oo kalena waxa kulankan xubnaha Guddida Fulinta lagu dhageystay ..."

Hargaysa (HWN) Shirka Guddida Fulinta ee Xisbiga WADDANI ayaa maanta ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADDANI. 

Kulankan oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali X Xasan, Musharraxa madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo xubnaha kale ee hoggaanka waxaa si weyn loogu lafo guray arrimaha doorashooyinka ee dalku wajahay.

Kulanka waxa ka soo qeyb galay oo lagu soo dhaweeyay mudane Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah siyaasiyiinta miisaanka culus ee xisbiga.

Sida oo kalena waxa kulankan xubnaha Guddida Fulinta lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo la xidhiidha hannaan u diyaar garowga doorashooyinka.

Ugu dambeynna waxaa guddida fulintu ay si buuxda oo kumeel gaadh ah ugu ansixiyeen soo jeedin nuxurkeedu ahaa in xilal dheeri ah lagu soo kordhin doono dhammaan qeybaha kala duwan ee Xisbigu ka koobaan yahay.
     
Loading...