Muxuu Yahay Mashruuca IGAD Ka Fulinayso Wajaale Ee Kulmiyay Wadamada Badan?

Wednesday May 08, 2024 - 13:47:10
Hadhwanaag
"Maanta waxaan halkan ujoognaa qorshe qayb ka ah barnaamij balaadhan ..."

Hargaysa (HWN) Masuuliyiintii kasocday wadamada urur goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar oo si heer sare ah loogusoo dhaweeyay magaalooyinka Tog-wajaale ee Deegaanka Soomaalida iyo Somaliland ayaa warbaahinta kula hadlay xudduuda labada magaalo.

"Maanta waxaan halkan ujoognaa qorshe qayb ka ah barnaamij balaadhan oo laga fulinayo Dalalka qaybta ka ah IGAD oo ah dhanka biyaha", Madaxwaynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar 

Madaxweynaha ayaa sheegay in mashruuca ka faa'iidaysiga dhulka biyaha hoostiisa kujira oo ah hindise cusub oo ay hoggaaminayso IGAD uu wax weyn katari doono iskaashiga dhanka biyaha ee ka dhaxeeya dalalka Geeska Africa kajira dhammaantood.

"Maanta waxaan halkan u nimid  anaga oo ka kooban qaar kamid ah wadamada IGAD mashruuca horumarinta adeega biyaha dhulka hoostiisa ah, waxaana Tog-wajaale ka wadnaa mashruuc biyo-galineed oo balaadhan kaasi oo aanu rabno in ay kawada faa'iidaystaan bulshada labada magaalo",Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee JDFI, Dr. Inj. Habtamu Itafa.

Wafdiga waxaa xudduuda Deegaanka iyo Somaliland kusoo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland, mudane Maxammed Kaahin Axmed.
     
Loading...