Khasaaraha Ka Dhashay Dhul Gariir Ka Dhacay Itoobiya

Wednesday May 08, 2024 - 09:35:44
Hadhwanaag
"Dhulka ayaan jiifay kaddib waxaan dareemay dhaqdhaqaaq"
Xafiiska isgaarsiinta maamulka Dauro ayaa sheegay in dhulgariirka uu ka dhacay dhammaan tobanka degmo ee gobolka.


Professor Atalai Ayele oo ka tirsan jaamacadda Addis Ababa ayaa sheegay in ay ku qiyaaseen cabirka dhulgariirka ilaa saddax.


labo qof oo ka mid ah dadka deegaanada magaalada Tarcha ee gobolka Duaro oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ay dareemeen dhulgariirka saakay.


"Dhulka ayaan jiifay kaddib waxaan dareemay dhaqdhaqaaq” ayuu yiri Ebenezer Tesfaye oo deggan tuulada Berhane. Wuxuu intaa ku daray in dadka tuulada ay ka soo baxeen guryahooda iyagoo argagaxsan.


Kebede Sisay oo ah m adaxda xafiiska isgaarsiinta dowladda Duaro ayaa sheegay in aysan jirin waxyeelo weyn oo soo gaartay dhismooyinka. Sidoo kala dadka deegaanka oo BBC-da la xiriirtay waxay sheegeen in aysan jirin cid waxyeelo soo gaartay.


Goobta uu ka dhacay dhulgariirka ayaa qeyb ka ah Itoobiya Rift Valley, waana meel ay suuragal tahay in dhulgariir uu ka dhaco.


BBC
     
Loading...