Maxay Tahay Wareegtada Doorashada Ku Saabsan Ee Muuse Biixi Soo Saaray?

Sunday April 21, 2024 - 13:10:11
Hadhwanaag
Wareegto Madaxweyne 21.04.2024




Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto Madaxweyne uu ku soo-saaray  Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada uu soo saaray Madaxweynuhu Sidan:-
Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka 

Markaan Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay:  Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka;

Markaan Helay;  Qoraalka summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka;

Waxaan Soo-saaray;

In Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka.

ayaa uu Muuse Biixi ku yidhi wareegtada uu soo saaray maanta.


Wareegtadan ayaa daba socotay kadib markii shalay gudida doorashooyinka Somaliland ay cayimeen jadwalka doorashada.


Talaabadan ayaa soo afjarayso muran wakhti badan qaatay oo ka taagnaa qabada doorashooyinka isa saaran, murankaasi oo salka ku hayay doorashada soo horaynaysa labada doorasho.


waxaana khilaafkaasi soo afmeeray oo xalkiisa helay oday dhaqameed ka soo jeeda beesha Habarjeclo, kadib markii siyaasiyiin doorashada doonayay ay xalka khilaafkaasi ku guul daraysteen.
     
Loading...