Xishodkii Xaggu Ka Dhacay,Xeerarkeenii Maxaa Ku Dhacay,Xaawalay Loo Dhaco Habeen.Weliba Xidhig Loogu Daro.

Saturday April 20, 2024 - 10:32:06
hadhwanaagnews
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha....



Xishoodkii Xagguu Ka Dhacaty,Xaawalay Xabsi Lagu Guraayo.

 

 

Bismillahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B],


 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

 

 

Xukumadii Siyaad Bariyo,Xeer Qarqoshba Nagu Wadaan,


 

Xaasasiyo Dumar Layska Xidho,Xornimaanu Ka Qaadano,

 

Xabadba Lagu Keenay Qaran,Xishoodkiyo Kala Danbayne,


 

Xisaabtan Intaau Imanin,Xayahuun Yaan Laga Fogaanin,

 

Xukuumadan Talinaysaay,.Xilalba Idin Saaran Culusoon,


 

Xaggnaba Looga Carare Karin,Xajiimayn Ha U Qaadanina,

 

Xisaabaadkii Aakhir Iyo,Xabaalbaa Inaga Danbaysoon,


 

Xaqana Laga Duumanayne,Xurmeya Kuwaydin Dhalay,

 

Xaqdhwr Bay Mudan Yahiine,Xajiinta Ka Dhawr Hablah,


 

Xurgufi Way Dhici Kartaaye,Markaad Xidhaysan Hablaa,

 

Xoog Maxaad U Adeegsataan,Xawalaydii Hooyoyinkeen,


 

Xariirbaaba Loo Goglaaye,Xabsibayaa U Quudhi Karaya,

 

Xaaladiinu Waayahan Danbeba,Xadhkaha Soo Goosaten,


 

Xabaal Dhidarkii Qodaa,Xumuunbu Ugu Dhaadhacaayee,

 

Xantiisa Fule Wuu Ogyahaye,Cid Baydaan Xeerinaynin.


 

Ismail Abdillahi Handuleh.

 

 

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...