Caqliga madaxda keligii taliska ah (M.biixi) Cali Biixi

Wednesday April 17, 2024 - 14:45:17
hadhwanaagtv
Kadibna Digaagag ayuu soo qabtay ,


Istalin iyo Digaagadii iyo sida shacabka loo duleeyo .

Saciimkii Soviet union-ka (Russia) maanta ,
ayaa madaxdii oo dhan maalin isugu wada yeedhay.

Kadibna Digaagag ayuu soo qabtay ,
oo baalasheedii ka rifay .

Kadibna Digaagadii oo xanuunsanaysa , ayuu istalin xabuub (hadhuudh) xabbad xabbad ugu daadiyay Digaagadii.

Digaagadii istalin oo xabuubkii u daadinaaya ayay daba socotaa, iyada oo xanuunkii baalasha ay hayaan.

Waxa uu ku yidhi madaxdii : shacabka waa sidaas oo kale oo raashinka iyo noloshooda gacanta ugu haysaan , oo aad gaajaysaan xanuunkooda iyo dhibaatada haysa xasuusan maayaan.

Adiga dulaynaaya ayay daba geleyaan dhamaantood.

Waa caqliyada keligii taliyaha diktaatoorka ah .

Waa siyaasada M.biixi ku shaqeeyo ee uu ka dhaxlay maamulkii shuyuuciga ahaa ee uu ku soo barbaaray yaraantiisii .

Laakiin shacabka somaliland heeryada iyo bustaha dulinimada ah ee saaran. Wuu iska tuurayaa dhawaan.

Caki Biixi
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...