Muxuu Yahay Codsiga Xasan Sheekh Ka Yimid Ee Ay Diiday Puntland?

Wednesday April 17, 2024 - 12:25:17
Hadhwanaag
"Dowladdii hore ee dalka, haddii uu dastuurkeedii meesha ka baxay..."


Hargaysa (HWN) Maamul Goboleedka Puntland ayaa qaadacay codsi uga yimid madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.


Codsigan ayaa ku saabsanaa in Maamulka Puntland uu ka soo qayb galo shirka maamul Goboleedyada Somaliya oo dhawaan la filayo in uu ka dhaco Muqdisho.
Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi siiyay Shabelle Tv ayaa sheegay in shirkaasi cid ka socota Puntland aanay ka qayb galayn
"Cid kala qaybgaleysa koley oo Puntland ah ma jirto, illaa ay kusoo noqonayaan xeyndaabka dowladnimada” ayuu wareysiga ku yidhi wasiirku.


"Dowladdii hore ee dalka, haddii uu dastuurkeedii meesha ka baxay, muddo xileedkeediina wuu ka baxay , mana aaminsanin inay dowlad jirto” ayuu wasiirku ku daray hadalkiisa.


Dhawaan ayay ahayd markii Puntland sheegtay inay udhaqmayso sidii dawlad madaxbanaan, kadib markii ay ka horyimaadeen wax kabadel xukuumada Xasan Sheekh ku samaysay dastuurka Somaliya.
     
Loading...