Midkee Ayaad Rumaysan

Wednesday April 17, 2024 - 08:54:48
hadhawanaag
Ninkii oo ka sii baxaya guriga Juxa, ayaa maqlay....


Maalin ayaa nin u yimid Juxa kana dalbaday in uu dameerkiisa u dhiibo. Juxa oo aan doonayn in uu ninkaas udhiibo dameerkiisa, ayaa u sheegay in uusan dameer haysan oo uu mar hore iska iibiyey.


Ninkii oo ka sii baxaya guriga Juxa, ayaa maqlay ci' dameer oo ka yeeraysa guriga Juxa. Asaga oo xanaaqsan ayuu inta dib u soo eegay Juxa, ayuu ku yiri:
"Juxa! Been ayaad ii sheegtay."

Juxa waxa uu ku jawaabay

"Hadalkayga iyo ci'da dameerka, midkee ayaad rumaysan?".
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...