Booliska Oo Sababta Loo Xidhay Fanaanada Ugbaad Aragsan Ka Hadlay.

Tuesday April 16, 2024 - 21:45:52
Hadhwanaag
"taasi oo dhawaanahan baraha bulshada ku faafinaasay ..."


Hargaysa (HWN) Ciidanka Booliska Somaliland ayaa ka hadlay sababta ay uxidheen Fanaanada Ugbaad Maxamed Cabdi oo ku magacdheer Ugbaad Aragsan.


Ugbaad Aragsan ayay ciidanka Somaliland caawa Xabsiga utaxaabeen, waxaanay warkan hoose ku faahfaahinayaan sababta ay fanaanada uxidheen. 


"Ciidanka Booliska JSL ayaa  gacanta kusoo dhigay Eedaysan Ugbaad Maxamuud Cabdi , taasi oo dhawaanahan baraha bulshada ku faafinaasay dhaqamo xunxun kuwaasi  oo kasoo horjeeda Diinteenna suubban iyo dhaqankeenna  wanaagsan.


Ciidamada Boolisku iyagoo gudanaayo waajibaadka ka saaran ilaalinta Diinta , dhaqanka iyo bad-qabka bulshada ayay eedaysanta gacanta kusoo dhigeen , waxaanay wadaan baadhid-dheeraada marka ay dhamaatana waxa degdeg loo horgayn doonaa sharciga." ayuu ciidanku ku sheegay warka uu baahiyay.


Waxa xusid mudan in Fanaanadu dhawaan xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ay uqaaday hees, taasi oo dadka qaar sheegayaan in xukuumadu dhibsatay heestaasi.
     
Loading...