Gud. Faysal Oo Soo Jeediyay In Caasimada Somaliya Laga Raro Muqdisho.

Saturday April 13, 2024 - 09:38:57
Hadhwanaag
"Horta waa in Caasimada Soomaaliya laga Dhigaa meel dhex ah "



Hargeysa(HWN)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in uu la yaabo caqliga Madaxweynaha Soomaaliya oo uu xusay inaanu 4km ka xukumin magaalada Muqdisho.

Sidaasna wuxuu ku sheegay Guddoomiyaha UCID farriin uu ku daabacay barta X. Waxaanu yidhi "Waxaan la yaabaa Caqiliga Xasan Sheekh Maxamuud iyo deegaankiisa, dalka iyo dadka u leeyahay Madaxweyne ayaan u ahay oo midnimadiisa iyo dhulkiisa ayaan ilaalinayaa mee? Somaliland  iska daayoo Xamar 4km kama taliyo."


Guddoomiye Faysal oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi "Ilaalada xafiiskiisu waa Ciidamo shisheeye. Horta waa in Caasimada Soomaaliya laga Dhigaa meel dhex ah oo  goof reer ahayn. Waan in ay qabsadaan  Shir weyne dib u heshsiin oo  Somaliland  gogosha u Dhigtaa."


Faysal ayaa dadka qaar ku dhaliilaa in uu yahay siyaasi Marna taageera Xasan sheekh Marna ka soo horjeesta.
     
Loading...