Biden Oo Digniin Iiraan U Diray Xilli Laga Cabsi Qabo In Ay Aargudato

Saturday April 13, 2024 - 08:16:03
Hadhwanaag
"Israa'iil waxay sheegtay in ay diyaar u tahay in ay is difaacdo"


Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu filayo in Iiraan ay weerarto Israa’iil "si dhakhso ah”, iyada oo ay sii kordhayso cabsida laga qabo in ay Iiraan ka aargoosato weerar xagga cirka ah oo lagu dilay taliyeyaal kuweed ah oo sare horaantii bishan.


Israa'iil ma aysan qiran in ay weerartay qunsuliyadda Iiraan ee Suuriya balse waxaa la rumeysan yahay in ay ka dambeysay.


Saraakiisha Mareykanka ayaa u sheegay CBS News, oo ah saaxiibka BBC-da Mareykanka, in weerar weyn oo lagu qaado Israa'iil uu dhici karo si degdeg ah.


Israa'iil waxay sheegtay in ay diyaar u tahay in ay is difaacdo. Mr Biden ayaa ku yiri Iran: "Ha samaynina."


"Waxaan u heellannahay difaaca Israa'iil, waxaan taageeri doonnaa Israa'iil," ayuu yiri Biden. "Waxaan gacan ka geysan doonaa difaaca Israa'iil, Iranna ma guulaysan doonto."


Iran waxay taageertaa Xamaas, kooxda falastiiniyiinta ee Israa’iil kula dagaalanto Qasa, iyo sidoo kale kooxo kala duwan oo wakiil ka ah gobolka oo dhan, oo ay ku jiraan sida Xisbullaah - kuwaas oo inta badan fuliya weerarada ka dhanka ah Israa’iil.
     
Loading...