Dumar Ku Eedaysan Inay Shacab Ka Dhaceen Moobilo Oo Hargaysa Lagu Qabtay.

Sunday April 07, 2024 - 17:08:09
Hadhwanaag
"Waxaanan ka codsanaynaa dhammaan cida ay ka maqanyahiin telefoonadaasi"


Ciidamada Booliska JSL ee Saldhiga degmada Gacan Libaax ayaa hawlgal iyo dedaal dheeriya oo ay sameeyeen kusoo qabtay Laba dumara oo  ku eedaysan inay soo dhaceen mobile-daasi , waxaana qaar kamida shaashada saaran yahiin sawirradaasi telefoonada la qabtay , kuwaasi oo tiradoodu gadhayso 7 Mobile .

Waxaanan ka codsanaynaa dhammaan cida ay ka maqanyahiin telefoonadaasi inay degdeg u yimadaan Saldhiga degmada Gacan Libaax ee  (New Hargaysa)  waxaana laga rabaa inay sheegaan Calaamaddihiisa iyo Password ka .

Taliska Ciidanka Booliska JSL, waxa uu bulshada ugu baaqayaa inay ka taxadaraan dadka noocaasa ee maalmaha  Ciida suuqa u soo dhac iyo boob tagaaya , waxii ay garan wayaana Ciidanka Booliska degdeg ula soo wadagaan.

#Fiiro gaara :- Sawirradan waxa ay shaashada u saaranyahiin Mobile-da la qabtay ee maha hablaha lagu qabtay telefoonada.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL .
     
Loading...