Ciidanka Oo Ka Hadlay Dab Qabsaday Warshada Daqiiqda Ee Berbera.

Wednesday April 03, 2024 - 12:56:31
hadhwanaag
"Wershadan ayaa ah Wershad ganacsiyeed weyn oo soo saarta daqiiqda"


Berbera (HWN) habeenkii xalay waxa dab weyni ka kacay warshada daqiiqda Al Waddaniya, ee ku taal magaalada Berbera kaasi oo aan wax  khasaare ah soo gaadhsiin warshada.


Ciidanka Dabdemiska ee degmada Berbera, ayaa sheegay inay ugurmadeen  Warshada daqiiqda Al Waddaniya ee dabku qabsaday.

Warka ka soo baxay taliska ciidanka booliska damiska ee la xidhiidha daminta dabkaasi qabsaday warshadaasi ayaa u dhigna sidan.

"Ciidanka Dabdemiska Berbera ayaa habeenimadii xalay damiyay dab ka kacay Warshada Daqiiqda ee Al-wadaniya ee magaalada Berbera.

Ciidanka ayaa dabkaa ku hakiyay halkii uu ka bilaabmay, waxaana ciidamadu badbaadiyeen hantidii wershadaas gabi ahaanteed.

Wershadan ayaa ah Wershad ganacsiyeed weyn oo soo saarta daqiiqda, waxaana lagu maalgeliyay hanti farabadan.

Fadlan muwaadin ka digtoonow khatarta uu dabku leeyahay, goobaha ganacsiguna waa inay yeeshaan haamaha dabdemiska iyo qalabka kale ee ka hortagga dabka.

Hadii aad dab la kulanto si degdega u soo wac 990 lambarka gurmadka degdega ah ee ciidanka Dabdemiska 24 ka saacadoodba guud ahaan lixda gobol.”
     
Loading...