Faysal Cali Waraabe oo cambaareeyay mawqifka dowlada Jabuuti ee isfahamka Somaliland iyo Itoobiya

Friday March 29, 2024 - 13:22:14
hadhawanaag
"Waa hadalkii ugu doqoniimada badnaa ee wasiir arrimo


No description available.

Guddoomiya xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa cambaareeyay mawqifka ay dowlada Jabuuti kaga soo horjeedsatay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya.


 

Guddoomiyaha ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X doqoniimo ku tilmaamay hadal uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf kaga soo horjeestay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya.


 

"Waa hadalkii ugu doqoniimada badnaa ee wasiir arrimo dibadeed kasoo yeedha, dowlada Jabuuti madaxbannaanida Somaliland meel ka xun Soomaaliya ayay ka taagantahay ilaa markii Somaliland ay madaxbannaanideeda lasoo noqotay” ayuu yidhi Guddomiye Waraabe.


 

Dhan kale xukuumadda Somalind ayaan iyadu wali ka hadlin hadalkan ka soo yeedhay dawladda Jabuuti.

     
Loading...