7 qodob oo aan ka baran karno buuga [think and grow rich]

Sunday March 24, 2024 - 10:35:23
hadhwanaag
kalsooni: Si aad ugaadho yuulkaga waxad ubahanahay..



marwalba oo aad guul rabto in aad gaarto waxaad ubaahantahay hab fikir wacan oo leh jirid adag, lama rabo qof marka ay wax ku adkaatan kaniyad jabo , waxaaa lagaga baahanyahay in aad noqoto geed-adeyg . si aad uyeelato hab-fikir wacan akhri qodobadan:


1) yuul : waa in aad leedahay hadaf cad oo aad rabto in aad kamiro dhaliso, lama rabo in aad wax bilowda adigoon yuul laheyn. Sidoo kalana yeelataa qorsho si' aad yuulka ugaadho.


2) kalsooni: Si aad ugaadho yuulkaga waxad ubahanahay kalsooni, Sidaa awgeed waa in aad dhistaa kalsoonidaada maalin walba naftaada usheegtaa Hadalkaaga iyo yuulka aad leedahay.


3) Takhasus yeelo: aqoontu waa awood , waa haddii aad ku takhasustid hal meel ah. Haddii aad rabto inad wax walbo barato waxad wareer kufureysaa naftaada , waxaa lagaga baahanahay in hal meel lagugu yaqaano. Si aad ugaadho yuulkaga waa inad barataa wixi aqoon ah ee kugu caawinayso yuulkaga.


4) yuulkaga sawiro adigoo gaarey, sooreyso adigoo hilay waxii aad ku taamaysay, arintan waxey kaa caawinaysaa in aadan horey kaniyad jabin.


5)qorsho u yeel yuulkaga, sida ugu wacan oo aad yuulkaga marwalba maskaxda uheyn karto in aad leedahay gorsho , waa in uu muujiyaa waxa aad qabatay, si aad isku dheerigakiso iyo waxa kaa dhiman. Sidoo kale waxey kaa caawinaysaa in aad meel wanaagsan ujihaysato.


6) go'aan gaadasho wacan yeelo, waxii kugu yimaado yaysan kugu noqon caqabad kaa istaajiso yuulkaga , ka qaado go'aan ka kugula haboon. Yaysan kaa lumin waqtiga iyo tamarta aad u hayso yuulkaga.


7) dadka jooga hareerahaaga waxey kugu leeyihiin samayn . Waa in aad barataa kuwa togan ama taban. Waxad ubaahantahay dadka ufikiraayo dhinaca wanaagsan sidoo kale ku niyad jabinayn.

Abdulahi Farhan Abifood

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...