Shantaan Qodob Oo Aad Ki ilaalin Karto Caafimaadka Kelyahaaga.

Monday March 18, 2024 - 08:54:56
hadhwanaag
"waa inaad dhakhtarkaaga waydiisaa isticmaalka daawada"


Dhaqtar Shihaab, ayaa sheegay in qof kastaa laga doonayo in uu sameeyo tilmaahan si uu uga taxadaro killiyo xanuun ku yimaada.


Cab biyo badan maalintii

Qiyaastii 8 koob oo biyo caadi ah oo la cabbo maalintii waxa ay u wanaagsantahay ilaalinta caafimaadka kelliyaha, biyuhu waxay ilaalin doonaan kelyaha, gaar ahaan bukaanada qaba sonkorowga, dhiig karka, cudurka iyo xanuunnada kale ee khatarta ah.


Yareynta maandooriyaha iyo Sigaarka

Joojinta maandooriyaha iyo sigaarka ayaa muhiim u ah qofku inuu ilaaliyo caafimaadka kelyihiisa. Sigaarku waxa uu qayb ka yahay waxyaabaha sababa keliyo xanuunka daran waana cawadga caafimaadkaaga.


Si sax ah u isticmaal daawada

Daawo kasta oo laguu qoro waxa ay dhakhaatiirtu ku taliyaan in aad u isticmaasho sidii lagu faray, waa inaad dhakhtarkaaga waydiisaa isticmaalka daawada. Daawooyinka qaarkood waxay dhaawici karaan xubnahaaga, gaar ahaan kelyaha. Raadso la talin caafimaad oo ha iibsan dawo aadan ogeyn waxa kaaga iman kara ama dhakhtar uusan kuu qorin.


Samee baaritaano caafimaad

Dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan in qof waliba uu si gaar ah ula socdo caafimaadkiisa guud, wax kale oo ay tahay in qof kastaa sameeyo waa baaritaanka miskaha ugu yaraan hal mar labadii ilaa shantii sanoba. Si loo hubiyo caafimaadka kelyaha iyo xubnaha kale.


Samee jimicsi jireed

Qaado 30 daqiiqo ama ka badan maalintii jimicsiga. Waxay kaa caawinaysaa nidaaminta jirkaaga iyo firfircoonida shaqada ee xubnahaaga guud, sidoo kale Dr shahiib ayaa xusay in dadka miisaankoodu badanyahay in khatar ugu jiraan killiyo xanuun iyadoo loo baahanyhaay jimicsi badan iyo miisaan dhimis.
     
Loading...