'' Kaftanka caawa , tolow maxaa nagga uraya ''.

Friday March 15, 2024 - 10:08:25
hadhwanaag
Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje.

Sheekaba sheeko ayay keentaaye , caawa baryahaas ayaaanan kaftamin oo kaftankii baa igu bataye , maalin dhawayd oo Madaxwaynaha puntland magacaabay wasiiro ayuu nimankaas laandheeraha ah ee cumar maxamuud wuxuu siiyey wasiirka xanaanada xoolaha , cumar maxamuudkii oo wasaaradaa xoolaha ka xanaaqay baa yidhi waar boowe dee imika dhogortii xoolaha baa naga uraysa . 

Imika waa halkaase , Madaxwayne Muuse Biixi qolodayadan Habar yoonis ee laandheeraha ah kolay si uunbuu qalinka ugu xagayayaayoo dawladda dhan sadex wasaaradood buu naga siiyey, sadexdiina wuxuu ka dhigey , Wasaaradda deegaanka oo dhuxusha qaabilsan , wasaaradda xanaanadda xoolaha oo xoolaha qaabilsan iyo wasaaradda kaluunka oo kaluunka qaabilsan , markaas waa halkii cumar maxamuudkii tolow maxaa naga uraya ma dhogor mise kaluun
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...