Dhaqan xumada siyaasadeed . (Maxamed Axmed Afyare) .

Thursday March 14, 2024 - 13:38:04
hadhwanaagtv
Goojacadde waxaa ka dhacay guuldarro ciidan...


 

 

Sababta ma garanayo se dadka Soomaalilaand wacyigooda ama fahankooda siyaasaddu si aan la rumaysan karin buu u liitaa, heer kasta oo bulsheed. Taa waxaa u dheer dhaqan xumada soomaalidu wadaagto ee ah in aan sharci iyo akhlaaq dawladeed la dhawrin kolka ay joogto qabyaalad ama danaysi gaar ah. Dhawrkan tusaale ee yaabka badani dadka caadi bay la yihiin waa se qaranjab:


 

1. Maamulka Muuse Biixi iyo waxa siyaasi sheegta oo dhan caadi bay la ahayd in dhawr bilood Laascaanood ciidan la gu dul hayo, oo duqayn aan macno lahayn la gu wado, iyada oo dhanka kale kumanyaal malleeshiyaad ahi ka ga soo qulqulayaan. Sidee bay u fekerayeen? Yaa ka xisaabtamay gefka intaa la'eg?


 

2. Goojacadde waxaa ka dhacay guuldarro ciidan iyo siyaasadeed oo aad u foolxun, waxaana maqan boqollaal maxbuus, haddana ma jirto cid wax is ka wayddiisay ama cid la ga la xisaabtamay ama cid xil iyo maamuus ku wayday, haba yaraatee, sidii aanay waxbaba dhicin. Waayo?


 

3. Halkii la xoojin lahaa Ciidanka Qaranka waxaa la abaabulay oo la dhisay malleeshiyo beeleed la lee yahay dalka ayay difaacaysaa. Sidee bay caqligal u tahay in aad adiga oo dawlad ah qabiil qaranka ka tirsan ku hubayso qabiil kale oo qaranka ka tirsan? Maxaad markaa Afweyne ka ga duwan tahay? La is ma wayddiin.


 

4. Soomaalilaand muddo xileedda dastuuriga ah ee madaxweynuhu waa 5 sano, haddana waxaa joogto ah oo caadi loo wada arkaa in ninkii doonaaba kordhisan karo, oo doorashada dastuuriga ah baajin karo, ilaa maalin dhowayd Muuse isaga oo moodaya in uu wax wanaajinayo yidhi "haddii laba sano la kordhiyo waxii ka badani waa mid subxaan Alle". Labada sano ee uu sheegayaa xaggee bay ka timid? Sidee bay se ku dhacday in la aqbalo dhaqan xumo sidaa u weyn?


 

5. Saciid Sulub oo ah wasiir xil umadeed u dhaarsani inta uu warbaahinta soo fadhiistay wax uu Cabdiraxmaan Cirro ku yidhi hadal ahaa labadeenna jifo aynnu soo ka la adkaanno ee dawladnimada inoo dhig oo halkaa inoo soo saar. Hadalka sidaa u foosha xun cidi waxba ka ma soo qaadin ee shaqadiisii buu is ka sii wataa, isaga oo mar kalena yidhi Oofwareen degmadaydii buu weeraray halkii uu degmadiisa weerari lahaa.


 

6. Maxamed Kaahin oo ah wasiirka gudaha ayaa qabtay shir saxaafadeed ay masuuliyiin kale garbihiisa tuban yihiin, wax uuna umadda u sheegay in maamulkiisu qabqabtay oo gacanta ku hayo ciidamo uu Cabdiraxmaan Cirro ka keensaday Xamar, ayna soo bandhigi doonaan dhowaan. Ciidankii mee? Hadalkaasi sow ma aha jariimad aad u weyn? Cidiba la ma yaabin oo halkii la ga ma qaadin.


 

7. Shalay baabuur Dawladda Hoose ee Hargeysi lee dahay baa dilay qof dumar ah, Ilaahay ha u naxariistee, waana hawl u taalla bilayska iyo garsoorka. Sow ma aha? Laakiin ilaa xalay dad baa dagaal ku la jiray duqa magaalada keliya in baabuurka ay Dawladda Hoose lahayd. Maxaa is ka galay shilka iyo maayirka?


 

Tiro la gu ma koobi karo waallida, basarxumada iyo akhlaaq xumada badheedhka ah ee la gu la dhaqmayo waxa dawladnimada la gu sheegayo.

 

Maxamed Axmed Afyare

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...