DEG DEG Wasiirka Arrimaha Dibada SOMALILAND oo Warbixin Siiyay Danjireyaasha Fadhigoodu Yahay Hargeysa.

Thursday February 29, 2024 - 10:03:20
hadhwanaag
Wasiirka ayaa danjirayaasha caalamiga ah uga xog-warramay



Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah EE Somaliland, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Safaaradaha waddamada shisheeye ee deggan magaaladda Hargeysa ee caasimadda SOMALILAND.


 

Wasiirka ayaa danjirayaasha caalamiga ah uga xog-warramay is-afgaradkii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, dilalka siyaasadeed ee dadka reer Somaliland lagu beegsaday ee ka dhacay Soomaaliya, walaaca ay Somaliland ka qabto Heshiiska Difaac ee Turkiga iyo waddanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, iyo doorashooyinka soo socda ee Xisbiyadda iyo Madaxtooyada SOMALILAND.


 

Kulanka waxa Wasiirka ku wehelinayey, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, marwo Rooda Jaamac Cilmi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland mudane Axmed Abokor Maxamed.


 

Kulankan ayaa ahaa kii joogtadda ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay xog-warranka ku siin jirtay safiirrada iyo dibloomaasiyiinta dalalka shisheeye ee waddanka ka hawlgala.

     
Loading...