Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Dadko Kala Danbeeyiyo,Dulqaadkiyo Xishoodkii,
Duniduba Iloowdayo,Haatan Wuu Ka Dabar Goa'y,
Doqon Amusnaantiyo,Afmiishaarna Diric Noqoyo,
Dabadiiba Lama Dhalanin,Isgaa Dadkaba Hagayuun.
Diiday Ruux Ma Odhan Karo,Wuxu Doonayaa Jira,
Danlay Bay U Badantayo,Ku Hungoowday Daacadi,
Durkaa Daabac Loo Rogay,Dahabkiina Maar Noqoy,
Doolar Weeye Quruxduyo,Dumarkiina Ku Raaceen,
Duunyadan Bakhaylkay,Dadkuba Door Bidaayaano,
Dugsadaan Kan Haystoo,Deeqsiga Looma Hoydaba.
Ismail Abdillahi Handuleh.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!