Muxuu yahay Hadalka Faysal Soo Dhaweeyay Ee Ka Soo Yeedhay Saleebaan?

Saturday January 20, 2024 - 14:39:57
hadhwanaag
"Maanta waxaan Hambalyo iyo Mahadnaaq u soo dirayaa Saleiman Nuur ..."




Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo hadalka Gudoomiye Saleebaan ee ku aadan xeerka isa-saarka doorashooyinka Somaliland oo saaka Saleebaan usheegay Golaha Guurtida in xeerkaasi dhaqan galay isla markaana uu golohooga ka gudbay.


"Maanta waxaan Hambalyo iyo Mahadnaaq u soo dirayaa Saleiman Nuur , Sida Odaynimada leh iyo xilkasnimada leh Ee u xeerkii badbaado qaran u Difaacay …” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.



Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida ayaa fadhigii saaka ee Golaha Guurtida dalbaday in xeerkaasi lagu soo celiyo golaha, balse Gudoomiye Saleebaan ayaa sheegay in xeerkaasi dhaqan galay.
     
Loading...