Ex. Wasiir Seed Oo Sheegay In Xadhigiisu Ahaa Mid Siyaasadaysan.

Tuesday January 16, 2024 - 10:20:36
hadhwanaag
"caruurtayda uga tagi maayo taariikh madaw"



Hargaysa (HWN) Wasiir hore Axmed Muumin Seed ayaa xorriyaddiisa saaka dib u helay, waxaanu sheegay in xadhigiisu uu ahaa xadhig siyaasadeed.


"Xadhiggaygu waxaa uu ahaa mid siyaasadaysan, waxaanan idiin sheegayaa waxaan la dareen ahayn shacabkayga mawqifkayga Badda iyo Saldhiga milaterina waa halkiisii , caruurtayda uga tagi maayo taariikh madaw ".ayuu yidhi Wasiir hore Axmed Muumin Seed oo xorriyaddiisa dib u helay.


Booliska Somaliland ayaa markii ay xidheen sheegay in Axmed Muumin Seed ay ku soo xidheen amar maxkamadeed, kadib markii uu soo dacweeyay nin lacag kulahaa.
     
Loading...