Taliska Ciidanka Asluubta oo ka hadlay Maxbuus sheegay in Jidh Dil loogeystay.

Thursday May 09, 2024 - 09:27:07
hadhwanaag
Haddaba taliyaha ciidanka asluubta ayaa beeniyay warkaasi...



Taliyaha guud ee Ciidanka asluubta JSL Sarreeye GuutoAxmed Cawaale Yuusuf (Libaax), ayaa beeniyay warar laga baahiyay maxbuus xabsiga Hargeysa ku xidhan, kaas oo sheegay in jidh dil loogeystay, balse waxa uu tilmaamay in muddo hadda sannad laga joogo sarkaal saddex xadhigle ahi uu gacan ka hadal u geystay.

 

Maxbuuskan oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Abokor caafi, da’diisuna tahay 36 jir isla markaana ka mid ah maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii Laascaanood, ayaa muuqaal uu xabsiga dhexe iskaga soo duubay ku sheegay in loo geystay jidh dil.

 

Haddaba taliyaha ciidanka asluubta ayaa beeniyay warkaasi, waxaanu xusay in Maxbuuska tuuga ah iyo ninka dagaalka lagu soo qabtay ay sharciga u siman yihiin.

 

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in Laanqayrta Cas iyo Bisha cas ay si dhaw uga war hayaan xaalada maxaabiista ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay mid mid u wareystaan xaalkiisa iyo waxa uu qabo iyo baahidiisa.

 

Geesta kale waxa uu hoosta ka xariiqay in markasta ay u yimaadaan eheladooda iyo asxaabtoodu og yihiina xaaladooda aad u fiican oo aanay jirin cid wax ugeysata.

 

Waxaanu yidhi. "Maxbuuskaas cirdigiisa iyo sharaftiisa midna waxba ugeysan, waxa hubaal ah in dadkii ehelkiisa ahaa ay u yimaadeen.

 

Maxbuuska tuuga ah iyo ninka dagaalka lagu soo qabtay sibay sharciga ugu siman yihiin in aanu waxyeelana sharciga dowladda, amarka madaxweynaha, sharciga nidaamka xabsiyada ee baarlamaanku soo gudbiyay intuba nooma ogola in aanu gacan ula tagno haddii aanu isagu faraha laga qaad ahayn.

 

Cidkasta way og tahay sharta iyo karaamada ay ku nool yihiin maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, xabsiga Bisha Cas ayaa timaada, waxa yimaada Laanqayrta Cas ayaa yimaada, waaney arkaan nolosha ay ku nool yihiin, noloshooda ayay ka waraystaan, qoysaskooda ayay ka la xidhiidhsiiyaan, haddii ay waxtabanayaan waxa la yidhaahda ‘waxaasi ayay tabanayaan ee maxaa ka jira? Wax ay tabanayaan majirto.

 

Maxbuuskaasi waa maxbuus Qaran, halkaasi ayuu noogu xidhan yahay wax dhibaato ah oo loogeystaana majirto, ma taabano ma xumayno, hadal xumo iyo hantidaad midna naguma qabaan, waa wiil Soomaaliyeed oo u socda wiil walaalkii ah oo xidhan iyo gabadh Soomaaliyeed oo ninkeedii u socota, intaasibana si sharafle ayaanu u soo dhaweynaa.

 

Arrinta Maxbuuskaasi sheegay waxba kama jiraan, waa in aan dadka lagu kala dilin, oon bulshadu xumaan u kala qaadin, oo bulshadu aanay ku kala fogaanin,”

     
Loading...