Yaan La Is Waydiin Maxaan Awdal Ku Weynayn: Sabab?

Monday October 30, 2023 - 17:07:54
hadhwanaag
Garyaqaan, Abdikani Mandela



 

Dawladu waa saddex tiir. Garsoorka, sharci-dajinta iyo xukuumadda. Ree Somalilanow ma mid aan xukumo oo aan ugu sareeyo ayaa jirta?. Wasiirada, shan ayaa ugu miisaan culus: Maaliyada, Arrimaha Gudaha, Arrimaha dibada, Waxbarashada iyo Caafimaadka; ma mid aan hayo ayaa jirta? Ciidamada, saddex ayaa ugu saamayn badan: Milatariga, Booliiska iyo Sirdoonka; ma mid aan hayo ayaa jirta? Hay'addaha madaxa bannaan afar kaliya ayaa Dastuuri ah: Bangiga, Hantidhawrka, Xeer-illaalinta iyo Shaqaalaha; ma mid aan hayo ayaa jirta? Xisbiyada siyaasadda: iskadaa mid aan guddoomiyee ma mid aan guddoomiye ku-xigeenka koowaad ahay baa jira? Dadka aan Awdal ahayni waxa aynoogu jawaabaan 8 sanno ayaad ka talinaysay — oo dawladnimada iyo heshiiska ma waxa aynu u galnay in aad noo talisaan? Waa maya. Maanta waxa aynu leenahay aynu wax wada yeelano. Caawadaa la joogo shacabka ree Awdal 100% waa Somalilnd. Haddii la dhagaysan waayo yaan la is waydiin maxaa aynu Awdal ku weynay. Waan ka baxay.

Garyaqaan, Abdikani Mandela

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...