Saraakiisha gudaha ee
Dawladda Daalibaan ayaa u sheegay bogga BBC bashtu in boqollaal qof ay ku
dhinteen, tiro kale oo aad u badanna ay ku dhaawacmeen dhulgariirka ka dhacay
Gobolka Herat.
Qaramada Midoobay ayaa
sheegaysa in ugu yaraan 320 qof ay naftooda ku waayeen dhulgariirkii Sabtidii
dhacay. In Aayatullah Saabir, taliyaha Dawladda Daalibaan ee Herat, ayaa BBC u
sheegay inuu qiyaasayo in 1,500 oo qof ay ku dhinteen illaa 15 tuulo.
Isagoo booqanayay
goobbaha uu dhulgariirku ka dhacay, ayaa intaa ku daray "waxa jira in ka badan
1,500 oo dhimasho”. 15 tuulo waxa ku noolaa 1,700, qiyaastiisana waxa uu
rumeysan yahay kaliya inay ka badbaadeen "200 ama 300”.
Saraakiisha Dawladda
Daalibaan ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in waxyeellada dhulgariirku aad u
sareyso maadaama tuulooyin badan ay dhammaantood burbureen
BBC