Donald Trump iyo
wiilashiisa Eric iyo Don Jr waxay sameeyeen wax is-daba marin, iyagoo sanado
badan sare u qaadayey qiimaha hantida ma guurtada ah iyo tan maaliyadeed ee
shirkadda Trump Organization, waxaa sidaas Talaadadii xukmiyey garsoore ku
sugan New York.
Xukunka garsoore Arthur
Engoron ayaa dhabar jab ku ah madaxweynihii hore ka hor inta aan la qaadin
dacwadda kiis madani ah oo billaaban doonta Isniinta, waxayna guul qabyo ah u
tahay xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka New York Letitia James.
James ayaa ku eedeysay
Trump, labadiisa wiil ee ugu weyn iyo madaxda kale ee Trump Organization in ay
sanado badan ka u been sheegayeen canshuur qaadayaasha, dayn bixiyeyaasha iyo
shirkadaha caymiska, qiyaanadaas oo si joogto ah u buun-buuniyay qiimaha
hantidooda.
Qareenada Trump ayaa ka
codsaday garsooraha in uu meesha ka saaro kiiska ka hor inta aan la qaadin
dacwadda, isaga oo Trump siinaya waxa loo yaqaano xukun soo koobid ah.
James ayaa sidoo kale
codsatay xukun soo-koobid ah, si kastaba ha ahaatee, waxay doonaysay in Trump
lagu helo in uu mas’uul ka yahay, waxaana uu garsooraha la saftay
xeer-ilaaliyaha guud.
Ka sokow inuu ku helay
Trump iyo labadiisa wiil inay qiyaano sameeyeen, garsooraha ayaa baabi’iyey
shatiyada ganacsi ee u ogolaanayey Trump Organization inuu maamulo qaar ka mid
ah dhismooyinka uu ku leeyahay New York.
James ayaa dalbaneysa
$250 milyan oo ganaax ah, iyo in Trump iyo wiilashiisa laga xayuubiyo maamulka
hantida qoyska ee Trump Organization.
James ayaa sheegeysa in
Trump iyo asxaabtiisu ay u gudbiyeen xisaab "si weyn loo
buun-buuniyey" bankiyada iyo caymiyeyaasha sannad kasta intii u dhaxaysay
2011 iyo 2021 "si ay u helaan una sii joogteeyaan daymo iyo caymis qiimo
jaban.”
Waxay sida la tuhunsan
tahay inay sare u qaadeen qiimaga guud ee hantida Trump oo ay ku dareen
balaayiin dollar, taasi oo dhalisay "boqolaal milyan oo dollar oo si khaldan
loo dhigtay iyo faa’iidooyon.”
James ayaa tuhunsan in
ka badbadinta qiimaha hantida Trump ay aheyd inta u dhaxeysa $1.9 bilyan iyo
$3.6 bilyan sannadkiiba.
Trump oo ah musharaxa
ugu cad-cad xisbiga Jamhuuriga ee doorashada 2024, ayaa ku tilmaamay kiiska
"ugaarsi shaqsi ah", isagoo ku tilmaamay James, oo ka tirsan Xisbiga
Dimoqraadiga, ahna Madow, inay tahay "cunsuri".
Kooxda Trump ayaa
sheegtay inay racfaan ka qaadan doonaan xukunka.
VOA