Ismaaciil Axmed oo ah
aasaasaha iyoguddoomiyaha shirkadda World Remit oo ah shirkad lacagaha la isku
diro u fududeysa bulshada ayaa ka jawaabay eedeyn uga timid Bankiga Dhexe ee
Somaliland.
Bangiga Dhexe ee
Somaliland ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in sharciga ay la tiigsan
doonaan ganacsadahan oo uu ku eedeeyay in warar aan run ahayn uu ka sheegay
bangiga iyo madaxdiisa isla markaana khalkhal ka abuuray suuqyada sarrifka iyo
ha'adaha maaliyadda Soomaliland.
Ismaaciil ayaa qoraal
uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri, "Baanka Dhexe qoraal uu kaga
jawaabay maqaalkii aan kaga hadlayay qiima-dhaca shilinka SL, waxa uu ku
sheegay "In aanay jirin lacag uu soo daabacay Baanka Dhexe 7-dii sano ee u
danbeeyay, imikana uma qorshaysna in uu soo daabaco lacag cusub oo culays ku
sii abuurta suuqyada sarrifka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.”Waxa aan halkan
ku soo gudbinayaa qaansheegtii shirkadda lacagta daabacday ay soo dallacday.
Waxa ku faahfaahsan qayb ka mid ah lacagaha loo diray shirkaddan oo dhan
$1,902,587.10."
Wuxuu sheegay inuu ku
talinayo in arrintan wax laga qabto lana joojiyo lacagaha malaayiinta ah ee uu
sheegay in loo adeegsado in lacago cusub lagu soo daabaco, taas beddelkeedana
buu yiri sare looguq aado Shilinka Somaliland.