Wasaaradda Hawlaha Guud oo Bannaynaysa Suuqyada Magaalooyinka

Thursday September 21, 2023 - 09:25:41
hadhwanaagtv
Sidoo kale wasaaradda hawlaha guud ayaa magaaladda Wajaale



Wasiirka hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile, ayaa shaaca ka qaaday in qorshe ay ka wasaarad ahaan doonayaan inay ku banneeyaan dhammaan suuqyada dalka.


 

Wasiirku waxa uu sheegay in jidadka ay bannayntiisa ay bilaabayaan ay ugu horreysiinayaan ka Wajaale iyo Gobanimo ee magaalada Hargeysa.


 

Sidoo kale wasaaradda hawlaha guud ayaa magaaladda Wajaale ka bilawday inay bannayso waddooyinka xidhan, isla markaana nadiifiso dhammaan intii waxyeeladu ka soo gaadhay dabkii baabi’iyay.


 

Dabkan ayaa baabiiyey meherado ganacsi oo fara badan.

 

Suuqa Wajaale ee dabku halakeeyay waxa kormeeray wasiiro xukuumadda Somaliland si ay qiimeyn ugu sameeyaan baaxada goobaha ganacsi ee dabku hala keeyay inta ay le’eg tahay.


 

Gaba-gabadii wasiir Mustafe wuxu faray in ganacsatadu muddo saddex cisho gudaheed ah ay ku furaan barandayaasha, ciddii diida waxa uu ku wargeliyay in ay awood u adeegsan doonaan.

 

 

     
Loading...