Hadhwanaag
Waxa la yidhi oo odhaah hore ahayd " Xabaal iyo nin-keed loo kala teg"Waxan akhristaw u soo qaatay murtidan sare ku taal ama aan uga dan leeyahay, maamulka labadda askari iyo Saleebaan Yuhuudi, waa looga dareeray qudhmiye,meel ay ka soo noqdaana ma jirto, waxay la mid yihiin neefkii marka la qalo sii galgalan jirey, ee is odhan jirey waad nooshahaye kaca, laakiin ay dani u run sheegi jirtey, dabeed raq-diisa ku kala tegi jireen ciddii biraysay.
Sidda neef-kaas uma ay hadhin nolol dambe ee waxay ku jiraan ku sii galgasha dalka iyo dadka. Waad la socotaan shir ku sheegii ay is lahaayeen Burco ku dhoolo tusta wixii ay ka dhurayeen, tusaale ahaan, ka la yidhaaho " Geenyo-shaaximan" Oo markii cidi u jawaabi wayday lahaa " Oo hadalku waa yar-yahaye" mase aha qof khajilaaya isaga iyo kuwa la socdaa, oo waa mayd soconaaya, askariga ku adeeg-sadaa ee la yidhaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay" waa kii shubaayey wixiisii xilka lahaa, siduu farta iyo madaxa u ruxaayey, markaad eegto, muu ahayn miyir qaba ama caafi ah ee wuu is madax marsanaa, waayo qof fayaw sidiisaba maaha, kuwa uu yidhaaho way ila taliyaana waa dantood maraatayaal calooshoodu xukunto.
Ujeedadda shirka Burco loola doontay
waxay ahayd oo ugu weynaa in la isku dhufto HJ iyo Garxajis, laakiin nasiib darro way u suura geli weyday taasi, oo sir-toodda baa la sii ogaa, taas oo cidi ku jebisay calooshoodda. Bal hadda u fiirsadda waxa ka soo baxay wixii ay xaadiri-yeen magacya-doodda ee ay ku sheegeen "Golaha Dhexe" Sidda ay ku dambeeyeen:-
(1) 33 ka mid ahaa magac-yadda Golaha dhexe way dhinteen, ilaa markii uu asaasay Madax-weyne Siilaanyo, oo ma noola haba yaraatee ( Saw la yaab maaha).
(2) 21 isla liis-kaas ah iyana beri hore bay ka baxeen, oo waxay ku jiraan Waddani iyo Ucid, qaar ururo bay samaysteen, sidda " Haad geed waayey" Waa ina xaashi, Xaglo-toosoye, Axmed Ismaaciil Damatar, Qabyo-Tire iyo kuwo kale oo fara badan.
(3) Wuxu damiir ma laha'e, bal Abdikariim Ahmed Mooge ( Maayarka Hargeysa), Oo aan weliggii noqon, xataa loo diiday in xildhibaan deegaan isaga soo sharaxo, bay ka yeedhiyeen, oo ay yidhaaheen wuxu ku jiraa Golaha dhexe.
(4) Waxa yaabaha lala yaabo waxa ka mid ah " Maayir A. A Mooge si wacan oo waadix ah buu beeneeyey in aanu ka mid ahayn, weligiina gelin, ee uu ka tirsan yahay" Xusbiga Waddani" Iyaba waa cajaa'ibka jira'e weli way la daba socdaan, saw waali kama sii dara way shubayaan.
Waxan ku soo xidhay maqaalkan akhristaw, odhaah-dii ahayd " Is-moog udbihii bay weli aslaysaaye" ilayn wuxu wax is dhaama maahee, beentii iyo khiyaaliggii bay isleeyihiin maantana way idinka soconaysaa, taasi oo ah habeenkii xalay tegay oo dib u soo noday, dameer San madaw iyo sacaboo tima yeesha.
Ninkii ku riyoonaya Qudhmiye baa weli jiraw, adiga laf-taadda baa ah ruux aan jirin oo xooluhu shirka u tegayaan, ee marka cadceedu hortaadda timaado baad ka shalaayi doontaa, ee ku jir muhmil-kaas durbaanka beenta ah laguu garaacaayo, waa halkii Cigaal shidaade " Saadambaad garan" Marka uu maamulka askarta iyo Saleebaan Yuhuudi ay jar iskala boodaan.
* N.B Qudhmiye Iyo Askartu Waa Xabaal Iyo Nin-Keeddii Loo Kala Teg!
Qore:- Abdi-Shotaly.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!