Subax wanaagsan dhamaantiinba: Ka Rumaynta Qorshayaada maalin laha

Tuesday August 01, 2023 - 10:51:44
hadhwanaag
Ayuu huraa Qofna Rajo qudha ayuu ku Nool yahay



Subax wanaagsan dhamaantiinba: Ka Rumaynta Qorshayaada maalin laha ah waa dhabada ugu dhaw in aad ku xaqiijiso hadafyada aad Noloshaada ka leedahay, sirta laysku dhaafay waa in Qofna ku dhaqaaqo waxa uu damacsan yahay, Qofna dabnaha oo Qudha uu ka sheego isiga oo is leh maalin uun baad fulin sidaasna wakhtigu ku dhaafo.


Wakhtigu waa cadaalad badan yahay cidna eex kama galo, Qofka camirina waa uu wanaagsanaadaa Qofka dayacana waxba ma siiyo, in aad ka dhabayso Qorshayaalka aad dhigatay ee maalin laha ah, amaba sanad laha ah, amaba Billaha ah, waa waddo kugu Ridi karta wadada Guusha, Qof kasta waa uu jecel yahay in uu Nolosha maqaam sare uu ka Gaadho laakiin Qofna dadaal.


Ayuu huraa Qofna Rajo qudha ayuu ku Nool yahay Noloshana Rajada aan Wakhtiga lagu bixin sidii looga Rumayn lahaa waxay noqotaa oo qudha Rajo la fisho oo kaliya, Rumee Rajadaada oo dadaal Hur dibu dhigashada iska dhaaf wakhtiguna waa uu dagdag badan yahay, ku xisaabtan Gaabnida wakhtiga iyo dhererka wadada aad maraso Guulayso idinka Alle.


Haddii Allah wax aad jeceshay kaa qaaday, waxa uu kuugu badalayaa wax ka Qurux badan wixii uu kaa Qaaday, Allah u jeedo la’aan fal ma sameeyo wax kasta oo uu sameeyo u jeedo wayn ayaa ka dabaysa.


Ibnu Aadamka markii la abuuray u jeedada ka dabaysay waxay ahayd in ay caabudaan Alle kaligiis, oo aanay cidna la wadaajin Cubaadada uu xaqa u yeeshay. Allah wax kuma siiyo ilaa xikmad ayuu ka leeyahay waxna kaama qaado ilaa u jeedo ayuu ka leeyahay, "ما أخَذَ الله مِنِّا إلّا ليعطيني الأفضل.”


Nagu soo biir oo ka soo noqo walaalaha nagu xidhan.Filasho

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...