Qaramada Midoobay
ayaa shaacisay inay qabanayaan kulankii ugu horreeyey ee ku saabsan, halista uu
Garaadka Macmalka ah ee la horumariyey "Artificial Intelligence", uu
ku hayo nabadda iyo xasiloonida caalamka. Bishan July 18-keeda ayaa loo
ballansan yahay in la qabto kulankii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagaga
hadlo, halistan ku soo korodhay caalamka, waxaana kulankan gadhwadeen ka ah
dawladda Ingiriiska.
Garaadka Macmalka ah
ayaa loo arkaa inuu halis badan ku hayo, ammaanka dunida, maadaama si
madax-banaan loogu adeegsan karo maamulka, hubka meelaha durugsan laga hago ama
xataa hubka nukliyeerka oo ku xidhan aaladaha internetka ku shaqeeya.
Danjiraha Ingiriiska
u fadhida Qaramada Midoobay ayaa Isniintii shaacisay, in dalkeedu uu horkacayo,
sidii caalamku wax isaga weydiin lahaa halista barnaamijyada ku shaqeeya
Garaadka Macmalka ah ee horumarsan.
Shirkan ayaa la
filayaa in lagu marti-qaado khubaro aqoon durugsan u leh, Garaadka Macmalka ah,
iyo weliba Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, kaasoo
toddobaadkii hore soo saaray qaylo dhaan ku aaddan, xawaaraha ay ku socoto,
horumarinta barnaamijyada ku shaqeeya Garaadka Macmalka ah.
Xoghayaha Guud ayaa
hore u sheegay, isaga oo soo xiganaya, saynisyahanada iyo khubarada aqoonta u
leh, in barnaamijyada ku shaqeeya Garaadka Macmalka ahi inay halis aad u weyn
ku hayaan jiritaanka aadanaha, iyagoo horseedi kara in si fudud loo adeegsado
hubka wax gumaada ee Nukliyeerka.
Xoghayaha Guud ee
Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay inuu bisha September soo magcaabi doono
gole ka soo talo bixiya Garaadka Macmalka ah ee horumarsan, kaasoo diyarin
doona, qorshe ay ku hawlgasho Qaramada Midoobay.
Xoghayaha Qaramada
Midoobay ayaa sheegay, inuu ku talo jiro, inay yagleelaan, hay'ad ka tirsan
Qaramada Midoobay, oo si gaar ah isha ugu haysa, barnaamijyada Garaadka
Macmalka ah, taasoo la mid ah, hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan hawlaha
Nukliyeerka ee IAEA.
Garaadka Macmalka
"Artificial Intelligence"
Aaladaha Computer-ada
iyo barnaamijyada kale ee Internetka ku xidhan, ayaa caadiyan u baahan, inay
helaan tilmaamaha iyo amarada aadanaha, si ay u qabtaan shaqooyinka iyo hawlaha
ay fulinayaan. Hase ahaatee, Garaadka Macmalka ah ee la horumariyey, ayaa
haatan loo qaabeeyey, inuu ka maarmi karo, shaqada, tilmaamaha iyo amarada uga
imanaya aadahana.
Si la mid ah,
maskaxda aadanaha, barnaamijyada ku shaqeeya garaadka macmalka ah, ayaa u
baahan inay helaan macluumaad aad iyo aad u faro badan, kaasoo ka caawin kara,
inay si hufan u shaqeeyaan.
Garaadka Macmalka ah,
ayaa laga soo minguuriyey, habka ay u shaqayso maskaxda aadanuhu.
VOA