Ninka Leh Twitter-Ka Iyo Midka Leh Facebook-Ga Oo Dagaal Isku Balansaday

Friday June 23, 2023 - 09:01:53
hadhwanaag
Musk ayaa markaas ugu jawaabay qoraalka Mr Zuckerberg in uu joogo "Vegas Octagon."


 

Laba ka mid ah bilyaneerrada ugu caansan dhanka tignoolajiyada adduunka, Elon Musk iyo Mark Zuckerberg ayaa ku heshiiyey in uu dagaal ku dhexmaro goob qafilan oo ciyaarta dagaalka ay ka dhacdo.

 

Mudane Musk ayaa fariin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in uu "diyaar u yahay dagaal kadhaco goobta qafilan" isaga iyo Mr Zuckerberg.

 

Mr Zuckerberg, oo ah madaxa shirkadda leh Facebook iyo Instagram ee Meta, ayaa dabadeed soo dhigay sawir uu Mr Musk soo dhigay bartiisa twitter-ka wuxuuna ku soo dul qoray "isoodir goobta aad joogto".

 

Musk ayaa markaas ugu jawaabay qoraalka Mr Zuckerberg in uu joogo "Vegas Octagon."

 

BBC

     
Loading...