hadhwanaag
Waxa xalay si rasmi ah
guud ahaan Somaliland loo soo geba gabeeyey hawlihii diiwaan gelinta
codbixiyeyaasha iyo qaybintii kaadhka dadku ku codayn doonaan.
Diiwaan gelintu bishii
December 2022 ayey soo bilaabantahay, ilaa shalay oo 21 June 2023 ah
qaybintoodii ayaala soo afmeeray. Markaa halkaas waxa ku soo geba gebowday caqabadii u weynayd ee Komishanku ku sheegeen
in aanay doorasho madaxtooyo ka qabsoomi karin.
Waa maxay talaabada
xigi doonta geb gebaynta hawlaha diiwaan gelinta iyo Kaadh qaybinta?
Tallaabooyinka xigi
doonaa, waxa ay noqon karaa in la soo saaro liiska dadka kaadhadhka codbixinta
haysta, iyaga oo isku dari doona dadkii hore isu diiwaan geliyey iyo kuwa
cusub, ka dib liiska rasmiga ah ee dadka xaq u leh in ay codeeyaan
doorashooyinka soo socda ayey sheegi doonaan.
Talaabada taasi xigtaa
waxa noqon doontaa in ay dejiyaan qorshaha doorashooyinka ay qabanayaan iyo
weliba dhaqaalaha ku baxaya in ay dejiyaan.
Doorasho dee ayey qabanayaan Komishanku?
Ilaa imika lama
garanayo doorasho ay qabanayaan, madaama oo Ilaa dabayaaqadii sannadkii
2021-kii dalka waxa ka taagnaa khilaaf salka ku haya labada doorasho, waa
doorashada Madaxtooyada iyo doorashada Ururrada. Khilaafkan daneyayaasha
doorashooyinku way ku guul daraysteen in ay xal ka taagaan. Komishanku
mowqifkoodii hore waxa uu ahaa in wixii khilaaf ah ee doorashooyinka ku saabsan
ay muhiim tahay in ay dhinacyada ay khusaysaa xal siyaasi ah u helaan heshiis
doorashooyina gelaan, taasi ma dhicin laba sanno ku dhawaana weli waxa taagan
khilaafkii labada doorasho midee ayaa soo horeynaysa.
laakiin maanta, madaama
oo ay soo dhamaadeen laba arrin oo fure u ah qabsoomida doorashooyinku oo ah
diiwaan gelinta iyo kaadh qaybinta, waxa su’aasha labada doorasho mida soo
horeynaysa ay ku wareegi kartaa dhinaca Guddida doorashooyinka oo ka jawaabi
doona su’aashan, madaama oo xeerka doorashooyinka 91/2020, iyaga siinayo
awoodda iyo maamulka doorashooyinka iyo weliba cayimooda. Afhayeenka guddida
doorashooyinkuna bilowgii kaadh qaybinta wuxu sheegay in marka dhamaado Hawsha
kaadhku wixii intaas ka dambeeya hawlaha la qaban doono ay noqon doonaa kuwo
doorasho. Waxaan loo dheg tagagayaa go'aanka Komishanka.
Caqabado kale ee iman
karaa?
Ilaa imika ma
jirto doorasho la isku raacsan yahay oo
mid soo horeynaysa, Xukuumadda iyo Xisbigeedu doorashada urur ayey leeyihiin
way soo horeynysaa, mucaaradkuna ta madaxtooyada, markaa ma jiro doorasho
heshiis daneeyayaashu ka yihiin ilaa imika, laakiin qodobkan wax dhici karta in
laga gudbi karo oo madaama oo muddo laba sanno ku dhawo doorasho iyo mid soo
horeynaysa lagu murmayey in Komishanku soo saaraan jawdal doorasho oo
dhinacyaduna ku qancaan waa suurto gal.
Waxa kale oo iyaduba
caqabad noqon karta dhinaca dhaqaalaha oo ah mida ugu muhiimsan oo haddii aan
dhaqaale jirin la’aanteed aanay qabsoomi
karin doorashooyinku. Doorashooyinkii u dambeeyey ee isku sidkanaa iyo weliba
diiwaan gelinta Xukuumadda Somaliland ayaa bixisay intii ugu badnayd, balse
duruufaha dhaqaale ee jira iyo xaaladda wakhtigan dalku ku sugan yahay, waxa
dhici karta in xukuumadduhu gebi ahaanba bixin karin ama daboolin karin
kharaashaadka doorashooyinka.
Arrinta dhaqaalaha ayaa
ah mid haddii lagu heshiiyo ama Komishanka soo saaraan khariirada
doorashooyinka in dalalka beesha caalamka ee Somaliland ka taageera
dimuqraadiyaddu ay kaalin weyn ka qaataan bixinta dhaqaalaha doorashooyinka,
taasina waxa ay shuruud kaga dhigi karaan in doorashooyin la isla ogolyahay oo
leh jadwal la helo daneeyayaashuna aqbalaan.
Waxa kale oo iyaduna caqabad noqon karta oo
aan weli diyaar ahayd xeer tilmaamaya doorasho toos ah oo lagu galo doorasho
Ururro.
Kulmiye
iyo Xukuumaddiisa
Labadii sanno ee u
dambeeyey, waxa ay Madaxweynaha, Masuuliyiinta Kulmiye ilaa Wasiirradu ku cel
celinayeen in doorashada u horreysa ee dalka ka dhacaysaa tahay ta Ururrada,
taas oo muujinaysay in ay qaateen doorkii iyo awooddihii Komishanka ee ahaa in
ay iyagu xaq u leeyihiin maamulka iyo cayimida doorashooyinka.
Dadka Siyaasadda
falanqeeya, waxa ay u arkayeen ololihii furista Ururrada ee Kulmiye iyo
Xukuumadda mid ay ka lahaayeen laba qodob oo mid u hir galay, halka kii kalena
inuu u hir geli iska daaye dhinacooda uu dhaawac gaadhsiiyey. Qodobka ay ku
guuleysteen ayaa ahaa in madaxweynuhu helo muddo kordhin, taas oo muddo laba
sanno ah loo kordhiyey, halka qodobka kalena uu ahaa in furista Ururrada lagu
kala dhantaalo awoodda Mucaaradka oo markaa xukuumaddu u arkaysay mid khatar ku
ah madaama oo guul weyn ka gaadheen doorashadii isku sidkanayd ee 2021-kii,
isla markaana heleen shirguddoonka Golaha Wakiillada iyo inta badan Maayaradii
Magaalooyinka waaweyn. Qodobkan sidii ay filaysay Xukuumaddu ma noqon
taageeradii Mucaaradkana wax weyn kuma keenin ilaa imika arrinta Ururada
Siyaasaddu, balse Kulmiye iyo Xukuumaddiisa ayey saameyn weyn ku keentay, iyada
oo tusaale ugu dhow yahay arrinta ka taagan Golaha Wakiillada oo Kulmiye kaga
saameyn batay Urur-siyaasaddeedka Kaah.
Si kasta ha ahaatee,
noocyada tahayba doorasho maanta caqabad horyaalaa ma jirin, balse doorashadii
la qabanayoba Kulmiye iyo Xukuumaddiisa waxa horyaalla caqabado u baahan in ay
wajahaan oo ay ka mid yihiin saameynta kaga imanaysa Ururrada oo qaar badan oo
ka mid ah ha ugu weynaado Kaah oo kula loolamaya deegaannadii Kulmiye laga
dooran jiray, Mustaqbalka Xisbiga Kulmiye cidda Guddoomiye iyo Murrashax ka
noqon doonta, muddada kooban iyo kasbashada taageerayaashiisii, saameeyeen
Dagaallada Laascaanood oo keenay in laba Urur-siyaasaddeed oo mid ka mid ah loo
tirinayey in xukuumaddu badhi taaraysay meesha ka baxeen oo Madaxdoodii is
casishay.
Mucaaradka
Mucaaradka Somaliland waxa
ay si weyn u diidanaayeen in doorashada Ururradu ka soo horeyso ta
madaxtooyada, iyaga oo wakhti badan ku lumiyey in doorasho madaxtooyo u
dagaalamaan, taas oo aan ilaa imika suurto gelin, iyaga oo muddooyinkii u
dambeeyeyna ka shaqaynayey in Beesha caalamku Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ku
cadaadiyaan inuu qabto doorashooyinka, waxaanay ku guuleysteen in cadaadiskii u
adkaa blihii u dambeeyey la saaray Madaxweyne Muuse Biixi inuu hormuud ka noqdo
xal u helida doorashooyinka iyo inuu caddeeyo wakhtiga iyo sida ay u
qabsoomayaan doorashooyinku.
Si kastaba ha ahaatee,
Mucaaradku waxa ay u muuqdaan kuwo aan wakhtigii hore uga lumay labada doorasho
ka soo horeynaysa in aanay mar kale kaga lumin, iyada oo dadka siyaasadda ka
faalooda tibaaxayaan in Waddani uu awoodda saarayo in doorashada Madaxtooyadu
qabsoonto, balse haddii ay dhici waydo, taasi beddelkeeda helaan jadwal
doorashooyin oo mid walba cadaynaysa wakhtiga ay dhacayso, isla markaana haddii
ka Ururrada aqbalaan ay ku xidhayaan muddada ugu kooban u dhaxayso labada
doorasho, oo si wada jir ah daneeyaasha iyo Beesha caalamkuna u wada saxeexaan
jadwal ay ku cad yihiin maalinta doorashada Ururrada iyo ta Madaxtooyadu
dhacayaan.
Saleban Saxansaxo