Boorama (HWN) Siyaasiga
Nuur Aadan Baraale ayaa maanta ku baaqay in shir gudoonka golaha Wakiilada loo
doorto Xildhibaan Barkad Jaamac Batuun oo ka soo jeeda beelaha Gabooye ee Somaliland, waxana uu siyaasi Nuur Aadan
Buraale baaqiisan talo soo jeedinta ah daliil uga dhigay in doorashada
Xildhibaan Barkhad Baruun ay tahay mida kaliya ee hor seedi karta ictiraaf
caalami ah oo dalku helo.
Siyaasi Nuur Aadan
Buraale, waxa uu la hadlay mudanayasha golaha Waskiilada Somaliland, waxana uu
ka codsaday in maanta ay cadaalada & sinaantu hiil uga baahan yahiin,
hiilkaasna uu yahay in ay maanta Xildhibaan Batuun is barbar taagaan.
Siyaasi Nuur waxa uu
tilmaamay in Barkhad Batuun uu yahay hawl-kar, hiil u ah danyarta iyo danaha
Somaliland, islamarkaana xasilin kara xiisadaha colaadeed ka taagan dalka sidoo
kalena yahay masuul ka soo bixi kara waajibka loo igmaday.
Siyaasi Nuur Aadan ayaa
ka mid ah dhalinyarada ugu firfircoon magalada Borama una tartantay
xildhibaanimada golaha deegaanka degmada Borama ee u dambeeyay.