Balan Oofintu Waa Cajiib Bal Aqri

Tuesday June 13, 2023 - 09:27:44
hadhwanaag
Subaxnimadkii waxa lahelay illaaliyihii



Boqor ayaa ku soo laabtay madaxtooyadiisii habeen ay dhaxan darani dhaceyso, iridda ayuu kula kulmay nin illaalo ah oo da'weyn, dhaxantaas dhaceysana isagu direyskiisii fududaa sita, intuu boqorkii kusoo dhawaaday ayuu ku yiri miyaadan dhaxanta dareemeyn, illaaliyihii ayaa yiri haa waan dareemaya qabowga se maheysto dhar aan dareyskeygaan aheyn, inaan udulqaato wax aan aheyna garan maayo. Boqorkii ayaa ku yiri madaxtooyada ayaan galayaa waxana aan illaaladeyda midkood kuugu soo dhiibayaa dhar aad huwato, isla markii uu boqorku madaxtooyada uu madaxa lagalayba maankiisa arinki wuu kabaxay oo wuu ilaaway.


Subaxnimadkii waxa lahelay illaaliyihii oo meyd ah oo ay aktaalo warqad uu ku qoray, "Boqorow habeen kasta qabowgaas samir iyo dulqaad ayaan ku xamilayey, balse balankii aad iga qaaday dhar aan huwado inaad iisoo dhiibeyso oon ku diirsanayo ayaa iga xayuubiyay awoodeydii oo idilay".


War haddii aad balan qaado oofi, magaran kartid cidaas aad balanka uqaaday riyooyinka ay dhisanayaan iyaga oo balankaas ku saleynaya e.


Laga yaabaa balan aan daneen saasaa kugu haynin inuu galaafan karo qof dhan noloshiisa.


Gabadha aad ubalan qaaday guurku uma noolaaneyso sidii daganeyd ee ay unooleyd balankaaga hortii.

Ninka baaga mundaha ah eed ubalan qaaday shaqadu, shaqa la'aantiisii uguma sii jiri karo sidii uu hore ugu uur samaa.


Hoojinta iyo balan kabuxu aad ayey uxanuun badan yihiin.


Dadku ballamaha ayey ku dhistaan riyooyin dhan markey riyooyinkaas midood duntana noloshooda qeyb dhan ayaa dumeysa.


Balan oofintuna waaba munaafiqa iyo mu'minka waxa lagu kala garto.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...