"Somaliland Wax Siikala Socda Mooyee Wax Isku Soo Socdaa Majiro" Siyaasi Cali Guray.

Monday June 12, 2023 - 13:27:00
hadhwanaag
"Marka aynu og nahay xaaladda Bariga Somaliland, Khilaafkii doorashaduna inoo hadhsan yahay."



Hargaysa (HWN) Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in Somaliland wax siikala socda mooyee aanay jiran wax isku soo socdaa.

 

"Marka aynu og nahay xaaladda Bariga Somaliland, Khilaafkii doorashaduna inoo hadhsan yahay. Somaliland malaha wax sii kala socda mooyee wax isu soo socdaaba ma jiro. " Siyaasi Cali Guray .

 

Hadalka siyaasi Cali Guray ayaa ku soo beegmaya xili maalintii shalay ahaa uu iscasilay gudoomiyihii golaha wakiilada, isaga oo sheegay in uu ladareenyahay dadkiisa SSC.

 

Sidoo kale Dhawan ayuu goostay mid kamid ah taliyayaasha ciidamada milatariga Somaliland, kaasi oo isna ugoostay dhanka SSC, dhalasho ahaana ka soo jeeday Gobolka Sool.

     
Loading...