Siyaasada dunida kale waa mid ku dhisan rajo galin umadeed ayna ka madhantahay isjiid-jiidashada macna daradaa wixii dan u ah bulshadaasna wax walba laga horaysiiyo.
Ta soomaalidu waa mid ku dhisan caqliyad ah iska dhicis, hal qof baa arrin yar ka hadalaya, isla markiiba dad tiro beel ah ujaawabaya. Isu tanaasul wax la yidhaahdana kama jirto siyaasada soomaalida.
Maxaa loo arki waayay hal siyaasi oo dadka rajo galinya, mustaqbal quruxbadan uga sheekaynaya.Halka dunida kale qofka tanaasula looyaqaan nin rageedka innaga dhexdeena waa qof jilucsan, waxaana libaaxyo inoo ah kuwo lagu tilmaami karo qabqablayaal.
Nabi muxamed scw ayaa laga soo wariyay: umaddaydu waxaa ay mari doontaa sadex samaan, oo kala ah
B: Saman ay xukumi doonaan madax ku xukunta cadaalad.
T: Saman ay xukumi doonaan danaystayaal madaxa kaga istaaga
C: Iyo samanka ugu danbeeya oo ay madax wanaagsan heli doonaan.
Haddana waxaa aynu kunjirnaa samankii madoobaa.
Illahay dalkeena iyo dadkeenaba ha inoo hagaajiyo.
W/A: Gaazhaan Ali Farah
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!