Shiinaha ayaa hareeraha
Taiwan ka billaabay saddex maalmood oo dhoollatur militari ah Sabtidii, si ay u
muujiyaan carada ay ka qaadeen kulanka madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ay la
yeelatay afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka, iyadoo wasaaradda difaaca ee
Taiwan ay sheegtay inay si deggan uga jawaabi doonto.
Dhoolatuskan oo lagu
dhawaaqay maalin kadib markii Tsai ay kasoo laabatay Mareykanka, ayaa si weyn
loo sugayay kadib markii Shiinuhu uu cambaareeyay kulankii uu afhayeenka Aqalka
Wakiilada Mareykank Kevin McCarthy kula yeeshay Los Angeles.
Shiinaha ayaa u arka
Taiwan oo si dimoqraadi ah loo maamulo, inay tahay dhul ay iyadu leedahay,
iyada oo Shiinuhu aanu weligiis ka fogaan inay xoog u adeegsato si ay
jasiiraddaas u maamusho.
Dowladda Taiwan ayaa si
adag uga soo horjeeda eedeymaha Shiinaha.
Wasaaradda Difaaca ee
Taiwan ayaa sheegtay inay la socoto xaaladdan, isla markaana ay si weyn u
feejigan tahay, ayna ka jawaabi doonto sida ku habboon, si ay u difaacdo
ammaankeeda.
VOA