Xilliga Ramadaanta
dhibaatooyinka ugu badan ee laga cawdaa waa madax xanuun. Qormadan waxa aynu ku
soo koobayna xog muhiim ah oo la xidhiidha madax xanuunka xilliga soonka la
dareemo, iyo xalka ugu habboon ee lagula tacaali karo.
NOOCYADA MADAX XANUUNKA
XILLIGA SOONKA
Madax xanuunka xilliga
soonka uu qofku isku arkaa waa laba nooc oo kala ah:
1. Madax xanuunka afurka ka hor
Marka aynu cuntada
cunno ee ay dheefshiidka iyo hawsha dheefsiga marto, waxa uu jidhku kala baxaa
sonkor loo yaqaanno Gulukoos oo dhiigga raacda, unugyada jidhkana sidaas ku
wada gaadha.
Gulukoostu waa isha uu
jidhku tamarta ka sameeyo, iyo shidaalka maskaxda. Marka ay cuntadu yaraato
soonka awgii, waxaa mararka qaarkood dhacda, in sonkortaas (Glucose) dhiiggu inta dabiiciga ah ka yaraato, taas oo
sababta madax xanuunka la arko xilliga soonka lagu guda jiro.
2. Madax xanuun afurka kaddib yimaadda
Dadka qaar marka ay
afuraan ayaa uu madaxu xanuunaa, sababtuna inta badan waa dheefshiidka oo
cuntadu uu cunay culays ku noqotay, ama cuntada uu cunay oo ka badan intii
calooshu u baahnayd (Cuntada ama biyaha oo uu iska dhergiyo).
Arrintan ayaa sababta
in cadaadis badani ku dhaco bogga oo ah teed muruq khafiifa ah oo u dhexeeya
godanka saableyda iyo caloosha. Culayskaas ayaa carqaladeeya neefsiga oo ku
adkaanaya qofka, madax xanuun iyo daal jidheed / burbur.
Sababo kale oo keena
madax xanuunka xilliga soonka
1. Isbeddelka degdegga
ah ee ku imanaya caadadii hore ee cunto cunista qofka.
2. Cabbitaanka (biyaha
iyo dareeraha kale) oo qofka ku yaraada.
3. Hurdo yaraan ay
sababteedu tahay nidaamkii hurdada ee isbeddalaya, tusaale ahaan habeenkii oo
goor dambe la seexanayo, iyo hurdada oo laga kacayo dhowr jeer, sida xilliga
suxuurta iyo salaadda subax.
4. Maadadda kaafiyeenta
oo jidhku uu tebo. Shaaha iyo bunka joogtada aynu u cabno, waxaa ku jira
maaddada Kaafiyeen oo jidhku la qabsado. Sidaas awgeed, marka qofku uu shaaha
ama bunka joojiyo maalintii, waxaa ku dhaca madax xanuun, ugu yaraan maalmaha
hore.
Talooyin muhiiim ah
1. Waxaa fiican in
qofku uu Kaafiyeenta iska daayo, toddobaaddo ka hor Bilowga bisha soon.
2. Suxuurta oo aad dib
loogu dhigo, laguna dadaalo in ay noqoto cunto isu dheellitiran, jidhkuna uu ka
heli karo tamar maalinta oo dhan ku filan.
Waxaa fiican in ay
noqoto cuntooyinka aan dheefshiidka sida dhaqsaha ah u dhaafin, sida badarka
iyo guud ahaan cuntada ganka leh ee aynu waddaniga u naqaanno, khudradaha
cagaaran iyo khudradda midhaha ah.
3. Hurdada oo aad
nidaamiso xilliga ramadaanta, kuna dadaasho in aanad aad u cawayn, iyo in
maalintii aad duhurka kaddib waqti yar seexato.
4. Inta u dhexeysa
afurka iyo suxuurta, cab biyo iyo cabbitaanno badan oo ugu yarana 3 litir ah.
5. Ku afur cunto isu
dheellitiran oo caafimaad qabta, jidhkuna uu ka heli karo faytamiinnada,
cusoobiyinka iyo macdanaha uu jidhku u baahan yahay, laakiin iska jir in aad ku
talaxtagto, si aanay kuugu keenin dibbiro.
6. Timirta afurka la
cunaa, waa xal degdeg ah oo macaanka hoos u dhacay kor u soo qaadaysa.
W/Q:Kamaal Marjaan
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!