Madaxweynaha Ereteriya
Essayas Afawerke ayaa beeniyey eedeymo ku saabsan in ciidamada dalkiisu ay
xadgudubyo geysteen xilliigii uu socday dagaalkii labada sano qaatay ee ka
dhacay Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.
Ciidamada Ereteriya
ayaa taageeray ciidamada Itoobiya ee la dagaalamayey TPLF , dagaalkaas oo ay ku
baro kaceen in ka badan labo milyan oo qof.
Kooxaha Xuquuqda
Aadanaha ayaa sheegay in ciidamada Ereteriya ay ku kaceen xadgudubyo ballaaran
oo ay ku jiraan xasuuq dad rayid ah iyo kufsi ka dhacay dhulka Tigray.
Isagoo ka hadlayey shir
jaraa’id oo ka dhacay magaalada Nairobiayaa Efewerke waxaa uu diiday in uu ka
jawaabosu’aal ku saabsaneyd xilliga ciidamada Ereteriaya ay si buuxda uga
baxayaan Itoobya.
Dalka Ereteriya wax
doorasho siyaasadeed ah kama aanay dhicin tan iyo markii uu xornimadiisa qaatay
1993dii waxaana si joogto xabsiyada loo dhigaa dadka siyaasadiisa ka horjeesta
.
BBC