"Inta Badan Iskuma Kay Qabtaan Hadalada Iyo Ficilada Maayar Mooge"...Siyaasi Nuuradiin Diini

Saturday December 24, 2022 - 10:03:35
"Inta Badan Iskuma Kay Qabtaan Hadalada Iyo Ficilada Maayar Mooge"...Siyaasi Nuuradiin Diini

siyaasi Nuuradiin Diini ayaa ku dhaliilay maayarka Hargeysa inaanay islahayn ficilkiisa iyo qawlkiisu.

siyaasi Nuuradiin Diini ayaa war uu soo saaray waxa uu ku soo bandhigay dhaliilaha uga muuqda maayarka Hargeysa iyo dhawaaqyada ka soo yeedha ee uu kaga hadlo dhibaatooyinka looga baahnaa xalkooda, qoraalka ayaa u dhignaa sidan

"Inta badan isuma kay qabtaan hadalada Maayarka iyo ficiladiisu, waxa aad moodaa in uu wali ku jiro Compaignkii siyaasiga ahaa. Sababta oo ah, markasta hadaladiisu waa kuwo u eeg sidii qof shicib ah oo aan hayn masuuliyad Umaddeed.


1- Tusaale dhulka Baloogyada ah ee layska dayrtay siduu sheegay Maayarku, isaga iyo xafiiskiisa, ayaa sharciyadda u sameeya, kala wareejinta, u sameeya mulkiyad, iyo file dhuleed oo dhamaystiran, cashuurna ka qaata. Miyaanay yaab iyo af-kala qaad ahayn in uu dhaliilo wixii uu jideeyay sharcigana u sameeyay? mise waa gole ka fuul.

2- Inta badan wuxuu si dadban oo bilaa qadarin ah u dhaliilaa kuwii isaga ka horeeyay hadii ay tahay Mayarkii hore, haddii ay tahay gudoomiyayaashii hore, haddii ay tahay golayaashii deegaanka ee isaga ka horeeyay, waxa ka mida hadaladiisa " waxa wax lagu dhisay waa cashuurtiinii, waxa ka mida dad masuuliyiina ayaa idiin shaqeeya". Dhaliisha kuwii hore ma waxqabad ayay noqonaysaa? waa maya, cid kastaa wey ka dharagsantahay dhaliisha kuwii hore ee haddii uu xafiiska ugu yimid xatooyo dhuleed, ama maaliyadeed, ama daymeed miyuu si cad ula xisaabtamo ama inoola waddaago ? mise ku cel celinta ayay ugu badinaysaa ? Mooji, mise waa Ollole ? mooji.

3- Inta badan Maayarku waxa uu sheegaa in isla xisaabtanku mihiim yahay, haddaba intii uu joogay ma ina hor keenay nidaam maaliyadeed cad oo muujinaaya hufnaan iyo isla xisaabtan muujinaaya isbedel dhaba ah.

a) tusaale Miisaaniyada Dawlada hoose sida loogu qoondeeyay dagmooyinka, wali ma ina soo hordhigay, wixii kharash ah, wixii mushahar ah, wixii kaabayaasha wax lagaga qabtay, wixii caafimaadka iyo wax barashada ku baxay.
b) Wali qaabkii hore wax ma ka badelay oo ma dhisay nidaamka cad oo dakhli ururrineed, sida dakhligu uga yimaado degmooyinka, sida cashuuraha loo guro, mihiimada cashuuruhu leeyihiin, sida baahidoodu u kala badan tahay ee wax loogu celiyo degmooyinka hargaysa, iyo in degma kasta wixii lagu celinaayo lagu qiimeeyo wax soo saarkeeda cashuureed.
Mise hadalkiisa ayaa Xadiis ah oo sidaa uu ku sheegay ayaynu u qaadanaa.

4- Wadooyinka laga sameeyay gudaha magaalada Hargaysa waa kuwo ku yimaada qaabab kala duwan se fulintooda ay leedahay DHH, tusaale;
a) qayb dadkaa bixiya oo hab-qaadhaana u soo ururriya waana nidaam uu bilaabay Maayarkii hore ee Eng Xuseen Maxamud Jiciir.

b) qayb ka timaada mashruuca maal-galineed ee "JOINT UN PROGRAMME ON LOCAL GOVERNANCE " (JPLG) kaasi oo UNku ugu talo galay in lagu horumariyo magaalooyinka.

c) wixii dhaqaale iyo kaabis ah ee ay siiso xukuumada dhexe DHH, kuwaasi oo kala ah mid miisaaniyada loogu daro, mid toos loo siiyo, mid dayn ah sida $1milyan ee bangigu siiyay.

d) qaybta ugu dambaysa oo ah, ta ku baxda wixii waajibaad kooda ahaa, wixii dakhligooda iyo cashuur ururintooda ah ee ka Dawlad Hoose ahaan soo galay inta ay tahay, si loo garto wax qabad kooda dhabta ah,
Waxa kale oo jirta in lays weydiiyo adeega ay bixiso DHH muxuu yahay? intee wax laga qabtay? maxaa qorshe u dejisan?

Bal hadda aan is weydiino maxaa laga qabtay goobaha qashin qubka Hargaysa, "Dum site" kaasi oo ah ka ugu mihiimasan dhanka fayo dhawrka magaalada
a) ma la diyaariyay gododkii ama goobihii wasakhada Bulaacadaha iyo Suuliyada mise wali dooxii dhumuc yare ayaa lagu qubaa.

b) ma jirtaa qashinka ka soo baxa goobaha caafimaadka meel loo diyaariyay sida Farmasiiyada iyo Cisbitaalada.

d) ma jirtaa qashinka Daxalka, qashinka Warshadaha, qashinka Allaabaha dhacay meelo ugaara oo loo diyaariyay.

c) ma jirtaa, qashinka qalallan ee guryaha meelo loo habeeyay.

mise wali waa sidoodii, qorshe ma loo diyaariyay ma jiraan?

Dhawaan duqa caasimadu waxa uu kordhiyay dhamaan cashuurihii isaga oo aan shaacin wax loo cuskadayna aan sababayn; Tusaale cashuur kala wareejinta oo ahayd 2.5% waxa uu ka dhigay 3.5% bal iyadana si gaara ayay u baahan tahay in loo eego.”


May be an image of 1 person, standing and outdoors


     
Loading...