Hargaysa (HWN) Xasan
Shahar oo kamid ahaa golihii hore ee deeegaanka degmada Hargaysa kana tirsan
xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in madaxwaynaha uu dhamaaday wakhtigiigii sharciga
ahaa ee ladoortay Muuse Biixi uu marlabaad ku guulaysan doono kursiga madaxwaynaha.
Xasan Shahar oo inta
badan lagu yaqaan in uu si’adag udifaaco xisbul xaakimka KULMIYE ayaa intaasi
ku daray inaanay umuuqan xisbi latartami karaa "Hadii la tartamo waxaan
hubaa in kulmiye iyo madaxweyne biixi mar kale la dooran doono waayo nooma
muuqdo xisbi nala tartami kara oo siyaasad leh, Ururka Hilaac iyo Waddanina
nooma kala duwana ". ayuu yidhi Xasan Shahar.
Hadalkan ex. Xildhibaan
Shahar ayaa ku soo beegmaya xili khilaaf doorasho uu ragaadiyay Somaliland. Taasi
oo ilaa imika aan xal loohelin.