Mareykanka ayaa ka
walaacsan hanjabaadaha Iran ee ka dhanka
ah Sucuudiga, waxaana sida uu sheegay afhayeen u hadlay Aqalka Cad Talaadadii
aanu Mareykanku ka laba-labayn doonin inuu ka jawaabo hanjabaadahaas haddii loo
baahdo.
"Waxaan ka
walaacsanahay khaataraha muuqda, waxaan weli ku jirnaa xiriir joogto ah anagoo
adeegsanayna khadadka militariga iyo kuwa sirdoonka ee Sucuudiga," ayuu
yiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka. oo intaas ku daray "Kama waaban
doono in aan u dhaqaaqno difaaca danahayaga iyo saaxiibadayada gobolka"
Mas’uulkan ayaa hadlay
kadib markii wargeyska Wall Street Journal uu sheegay in Sacuudiga uu la
wadaagay xog sir ah oo uu Mareykanka uga digayo weerar ka yimaada Iran oo lagu
bartilmaameedsado Boqortooyada Sacuudiga.
Mareykanka ayaa sheegay
in Iran ay siisay Ruushka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado
dagaalka ka dhanka ah Ukraine, taasoo keentay in Washington ay dhinac iska
dhigto dadaallada lagu doonayo in dib loogu soo nooleeyo heshiiskii Nukliyeerka
ee Iran, kaasoo uu madaxweyne Donald Trump ka baxay 2018-kii.
Madaxweyne Joe Biden
ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay khilaaf xooggan kala dhexeeyay Sucuudiga
kaddib markii ururka OPEC+ ee Sucuudigu hoggaamiyo ay go’aansadeen in ay
dhimaan wax soo saarka shidaalka, taas oo sare u qaadday cabsida laga qabo in
qiimaha shidaalka ee Maraykanka uu sare u kaco.
VOA