Baraf carqaladeeyay isu socodka ayaa ka da'ay UK iyadoo ay jiraan digniino cimilada la xiriira Mareykanka

Monday January 06, 2025 - 07:44:12
hadhwanaagtv
Mareykanka ayaa loo diyaargaroobayaa duufaan qabow iyo baraf wadata...




Dad badan oo ku nool England iyo Wales ayaa saakay ku soo toosay baraf badan oo buuxa wadooyinka.

 

Garoonka diyaaradaha ee Leeds Bradford ayaa hadda dib loo furay waxaana la sheegay in uu howlihiisa dib u bilaabay kaddib markii si kumeel gaar ah loo xiray saakay. Garoomada Manchester, Liverpool iyo Birmingham ayuu sidoo kale saameeyay barafka.

 

Duulimaadyo badan ayaa la joojiyay iyadoo kuwa kalena dib loo dhigay dhowr garoon oo waa weyn.

 

Waxaa laga digay in saameynta ay sii jiri doonto maanta oo dhan iyadoo qeybo ka mid ah dalka ay korontada tagi doonto balse khubaradu waxay sheegeen in ay filayaan in xaaladda soo fiicnaato.

 

Mid ka mid ah darawalada UK oo lagu magacaabo Lee ayaa saakay u sheegay BBC in wadada weyn ee M1 ay aheyd mid halis ah. Wuxuu sheegay in uu ku xanibmay baraf gaaraya ilaa iyo 20 sentiimitir.

 

Darawal kalena wuxuu BBC-da u sheegay in qofkii caawinayay hooyadii uu u tagi waayay saakay sidaas darteedna uu ka walaacsan yahay xaalada wadooyinka iyo saameynta ay ku yeelanayaan adeegyada muhiimka ah.

 

Toddobaadka dambe ayaa laga baqayaa in ay sidaan oo kale dhacdo iyadoo khubarada saadaasha hawada ay ka digayaan khatarta barafka.

 

Duulimaadyo badan ayaa la joojiyay iyadoo kuwa kale dib loo dhigay dhowr garoon oo waa weyn.

 

Barafka ayaa ku badanaya waqooyiga England inkastoo qeybo badan oo UK ah uu barafku joogsaday oo roob isu badalay.

 

Marka laga soo tago in qeybo UK ka mid ah ay korontada ka tagtay hadana waxaa jira dad gaaraya ilaa iyo 30,000 oo biyahu ka go'een

 

Mareykanka ayaa loo diyaargaroobayaa duufaan qabow iyo baraf wadata

UK oo kaliya ma ahan meelaha uu qabowgu saameeyay, mareykanka tobannaan kun ayaa u diyaargaroobaya dufaan qabow ah taas oo ay la socdaan baraf badan.

 

Qabowgan oo ah 10 sano in ka badan mid aan la arag ayaa ka soo bilwoday bartamaha Mareykanka, wuxuuna gaaraya maalmaha soo socda dhanka bariga. Sida ay hay'adda saadaasha Mareykanka NWS sheegtay, 30 gobol ayaa digniin la geliyay.

 

Xaalad degdeg ah ayaa lagaga dhawaaqay gobolada Kentucky, Virginia, Kansas, Arkansas, Missouri iyo qeybo kale oo Mareykan ah oo aan looga baran qabwoga daran sida Mississippi iyo Florida.

 

Khubarada saadaasha hawada waxay sheegeen in cimilada aadka udaran ay ka timid dabeylaha qabow ee ku wareegaya hareeeraha Arctic.

 

Xaaladaha wadooyinka ayaa xumaaday, waxayna taas keentay in ay ka dhacaan Kansas shilalka gawaarida xamuulka iyo kuwa yar yar sidaasina waxaa sheegay Ben Gardner oo ka tirsan kooxaha ilaaliya wadooyinka. Wuxuu soo bandhigay muuqaal muujinaya isagoo ku sibxanaya wadada.

 

Bartamaha Mareykanka waxaa laga baqayaa in nolosha caadiga iyo xaalada wadidada gawaarida ay soo wajahdo caqabado.

 

Meelo ay ka mid yihiin Kansas iyo Indiana ayaa macquul ah in barafku gaaro ilaa iyo 20 sentiimitir.

 

Magaalooyinka Washington DC , Baltimore iyo Philadelphia ayaa dhinacooda wada diyaargarow qabow iyo barafka logoa hortagayo.

 

Diyaaradaha Delta, Southwest iyo United ayaa dadweynaha ka dhaafaya lacagta dadka ay diyaaradaha ku kala badashaan sababo la xiriira barafka.

     
Loading...