Shirka Garxajis Ee Burco Raga Ka Daba Hadlaya Horaa Loosii Sheegay

Monday October 24, 2022 - 17:17:25
hadhwanaag
Qore: Cabdi-Risaaq Suudi Nuur


 

         

 

Qore Suudi " Shirka  garxajis  ee burco  ka  furmaya 25/10/2022-ka  raga ka  daba  hadlaya waxa 1964-kii  hore  u sii  sheegay  abwaankii AUN axmed  ismaaciil  diiriye (qaasim)

 

AUN  abwaan qaasim  oo  la dar-daarmayay walaalkii san-yare  oo  uu ku  tuhun-sanaa  in uu taageer-San  yahay  nin  ka  mid ahaa siyaasiyiin-tii sanadihii  60-naadkii  ugu tunka waynaa ugu-na dhaqaalaha  badnaa  oo uu  abwaan-ku  rumays-naa in  san-yare  aanu ku raacin  mabda'  iyo aragti  ee  uu ku   raacay  dhadhamo iyo  dhuuni  ayuu abwaan  qaasim  walaalkii san-yare maansadan  u  tiriyay 1964-kii waxaanu yidhi :-

 

San-yaraw dharkayn lama cuniyo midho dhun-kaaleede

Dhadhamooyin badan-baa jira oo aad ku dhimataaye

Dharag ma laha dhuuniga xun een cunaha dhaafayne

Dhexda yaanu maro kuugu xidhin dhiig tif leeyahaye

Dhulka nimaan samaan-tiisa wadin yaan lagaa dhigine

Dhuuni raac ha noqon adiga oo dhawr gu' soo jiraye

Dhalan-teed xareed buu u eeg-yahay dheehashada guude

Dhaglay lagama soo daro oo waa dhamac kaliileede

Hal libaax dhir-qaday oo jidh iyo dheef-ba ka idleeyay

Ha u dhuran dhurwaagii laftuu dhuuxay eer-saday

          Qore: Cabdi-risaaq suudi nuur

                           Allaa mahad leh

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...